Ciidanka degmada Baargaal oo ka cabanaaya taliyaha qaybta Gobolka Gardafuu

Ciidanka degmada Baargaal oo ka cabanaaya taliyaha qaybta Gobolka Gardafuu



maanta oo ay taariikhdu tahay 22 /03/2019  Ciidanka booliska degmada Baargaal ayaa shir jaraaid oo ay ku qabteen xarunta saldhiga Degmada Baargaal ee gobolka Gardauu  waxay uga hadlen dhibaato uu ku hayo mudana ku hayay taliyaha qaybta gobolka gardafuu mudane shire cabdi goonyacade

dhibaatadaas ayay ciidanku ku qodobeeyeen:

xuquuq la’aan  iyo adeegii ciidanka degmada baargaal iyo gunooyinkii oo la cunay iyo sidoo kale tan ugu daran oo ah amar sharci daro ah oo layskaga horkeenaayo Maamulka Degmada iyo ciidanka Booliska oo lagu doonayo in ciidanka laga lumiyo sharciga ciidanimo ayagoo ciidanku si toos ah u guto uguna adeego Bulshada uu wakiilka uga yahay dhanka Amniga

sidaas awgeed ciidanku waxay ka codsdeen Madaxwaynaha Dawlada Puntland Dr siciid C/laahi Denni iyo madaxwayne ku xigeenka Axmed Karaash iyo wasaarada arimaha gudaha iyo cid kasta oo arinatni ay khusayso in arintan si degdeg ah wax looga qabto isku dhaca iyo fawdada uu ka wado degmada Baargaal Taliyaha Qaybta Gobolka Gardafuu shire cabdi goonyacade si looga hortago dhibaato intaasi ka wayn inay meesha ka dhacdo 







Developed by Jago Desain