SAWIRO : Xaflad sagootin ah oo loo qabtay Ardayda Dufcadii 4 aad ee ka qalin jabinaysa Dugsiga Sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal

SAWIRO : Xaflad sagootin ah oo loo qabtay Ardayda Dufcadii 4 aad ee ka qalin jabinaysa Dugsiga Sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal


Baargaal:- waxaa Magaalada Baargaal ee xarunta Ganacsiga iyo waxbarashada Gobolka Gardafuu lagu qabtay xaflad si heer sare ay u soo agaasimeen Maamulka,Macalimiinta iyo Ardayda Dugsiga Sare ee Maxamed xuseen ee Degmada Baargaal xafladaasi oo  lagu qabtay xarunta Dugsigaasi,waxaana ka soo qeybgalay Masuuliyin sare oo kasocday Gobolka Gardafuu oo uu hogaaminaayay Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Mudane MAxamuud Axmed Caynab Gubsul iyo sidoo kale Maamulka Degmada Baargaal oo uu horkacayay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar axmed yuusuf Gudoonka Waxbarashada Degmada Maamulka Macalimiinta iyo Ardayda Iskuulka, culamaaudiin, ganacsato odayaal , waxgarad, aqoonyahano, ururada dhalinyarada iyo arimaha bulshada ee degmada ka hawlgala iyo Marti sharaf kale oo badan.

Ujeedka loo qabtay Xafladaan ayaa waxaa ay aheyd sogootin loo sameenayo Ardayda sanadkan dhamaysanaysa waxbarashda dugsiga Sare oo tiradooda gaarayso 24 arday oo ah Dufcadii4-aad ee ka qalinjabisa Dugsiga sare ee Maxamed Xuseen Ee Degmada Baargaal.
Munaasabadan ayaa waxaa daahfuray Maamulaha Dugsiga Sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal Maxamuud muumin aadan oo Xaflada ka hadlay ayaa u mahadceliyay dhamaan Marti sharaftii kasoo qaybgashay xaflada asagoo Hambalyo u diray Ardada iskuulka ka qalinjabinaysa wuxuuna kula dardaamay in imtixaanka shahaadiga ay ka keensadaan darajooyinka waalidkood iyo macalimiintii mudada wax soo baraysay ay ku farxaan.


intaasi ka dib waxaa munaasabada hadalo dhiira galin ah ka jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu iyo Gudoomiyaha  Degmada Baargaal Abuuar axmed yuusuf oo cuqaal iyo waxgarad  oo dhamaantood  Ardayda sanadkan dhamaynaysa waxbarashada Dugsiga sare ee sugayana imtixaankii Shahaadiga ah ugu duceeyay imtixaanaadka inay  ka keenaan guulo lataaban karo sidii horayba loogu yaqiinay ardayda Degmada Baargaal.

Qaar kamid ah ardayda qalin jabinyasa sanadka ayaa xaflada ku soo bandhigay Barnaamajyo ka tarjumaya muhimada ay waxbarasshadu leedahay iyo qiimaha macalinka waxayna halkaa kasoo jeediyeen gabayo , buraanburo iyo kalimado ay ku sagootinayaan Dugsiga Macalimiinta iyo Maamulka oo ay ku soo diyaariyeen luqado kala duwan sida English, Carabi iyo iyo luqadeena hooyo ee soomaaliga ah .
Gabagabadii Munaasabada ardayda waxa ay shahaado sharaf gudoonsiiyeen Maamulkii iyo Macalimiintii mudada u taagnaa sidii ay usoo gaari lahaayeen heerka ay maanta taaganyihiin

Sidoo kale waxay Shahaadooyin Qadarin Ah gudoonsiyeen Gudiga waxbarashada iyo xubniha Guddiga qabanqaabada oo ardayda la soo qaban qaabiyay xaflada 





















Developed by Jago Desain