( Sawirro): Xaflad Loo qabtay arday xifdisay Quraanka Kariimka Degmada Baargaal

( Sawirro): Xaflad Loo qabtay arday xifdisay Quraanka Kariimka Degmada Baargaal


33 arday oo isgu jiray gabdho iyo wiilal oo kamid ah da’yarta Dugsiga Daar Aw-Cumar ee Xifdinta Quraanka Kariimka iyo waxbarashada asaasiga ah ayaa maantay xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiiyay loogu qabtay
magaalda Baargaal ee Gobolka Gardafuu kadib markii ay quraanka kariimka xifdiyeen.

Munaasabadda qalin jabinta oo ka dhacday dhismaha Dugsiga dar aw Cumar ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin badan oo uu hor kacayay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Mudane Abuukar Axmed Yuusuf
,Cuqaal waxgarad, aqoonyahano ,Ganacsato ,waalidiinta da’yarta , iyo dadwayne aad u farab badan oo mudooyinkan sugayay Munaasabadan.

ugu horaynti waxaa Xaflada Lagu daahfuray aayado quraan ah oo uu akhriyay arday kamid ah ardayda Dugsiga Daar cumar intaasi Kadibna waxaa hadalka furay maamulaha dugsiga Daar Aw Cumar shiikh cawil
jaamac muuse oo marka hore soo dhaweeyay martidii xaflada kasoo qayb gashay.

Maamulaha Dugsiga Daar cumar ayaa ayaa faahfaahin Ka baxshay Dufcadan sanadka oo ah Dufcadii 10 aad ee Ka qalanjabisa Dugsiga Daar Aw Cumar, marxaladihii ay soo mareen ilaa ay ku guulaysteen xifdinta
quraanka kariimka.

maamulaha ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimada xafladu tahay sidii loogu dhiiri galin lahaa ardayda inta dhimana inay ku daydaan ardaydan maantay la abaalnarinaayo.

Waxaa kadib makarafoonka qabsaday Gudoomiyaha Degmada Baargaal Mudane Abuukar Axmed Yuusuf ,asagoo u hanbalyeeyay ardayda
xifdisay quraanka Kariimnka kuna dhiiri galiyay ardayda kale inay ku daydaan oo aqoonta tarbiyad ku darsadaan.

xaflan ayaa waxaa sidoo kale hadalo qiimo leh ka jeediyay waalidiin , xubnu kamid ah guddiga waxbarashada , culimo iyo marti sharaf kale oo
badan , kuwaaas oo dhamaan u hambalyeeyay ardaydan xifdisay kalaamka alle oo ah wax la barto waxa ugu khayrka badan.

Dufcada Sanadkan Ka qalin jabisay xifdinta Qur’aanka Kariimka Dugsiga Daar aw Cumar , waxaa tiradoodu dhan tahay 33 arday oo isugu jira 18
wiil iyo 17 gabdhood ,

Ugu danbayntii xaflada ayaa waxaa ardaydii qalin jabinaysay la gudoonsiiyey shahaaadooyin iyo abaalmarino kale.

Hoos ka daawo sawiradda:














































Developed by Jago Desain