April 19, 2019

War deg-deg ah:-Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland oo ku kulmay Imaaraadka Carabta.


Waxaa goor dhawayd bilowday kulan ay kasoo shaqeeyeen masuuliyiinta Dowlada Imaaraadka Carabta,kaasoo u dhaxeeya Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland.

Madaxweyne Deni oo qorshahiisu ahaa in uu usoo anba baxo Kenya,ayaa baaqday kadib markay sidaa ka codsadeen masuulyiinta Imaaraadka.

Dhanka kale Madaxweyne Muuse Biixi,ayay masuuliyiinta dalka Imaaraadka udireen diyaarad kasoo qaaday Hargaysa.

Labada Madaxweyne,ayay Dowlada Imaaraadku ku saartay cadaadis in ay yeeshaan kulan.

Isku soo wada duuboo goor dhawayd,ayuu bilowday kulankooda,waxaana la filayaa in ay kasoo baxaan go’aamo hordhac ah.
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner