Wararkii ugu dambeeyay duqeyntii ka dhacday Gobolka Bari

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn culus oo shalay Salaadii Jimcaha kadib ka dhacday Gobolka Bari ee deeganada Maamulka Puntland. Duqeyntaan ayaa la sheegay in lala beegsaday Saraakiil ka tirsan Kooxda Daacish ee deeganada Puntland ka dagaalanta, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka Puntland oo Warbaahinta la hadlay. Saraakiishaan ayaa sheegay xubno Daacish ka tirsan oo Ceel biyo ka dhaansanaayay in duqeynta lala beegsaday, islamarkaana ay jiraan khasaare kala duwan oo soo gaaray xubnaha Daacishka. Xubnaha Daacish ee la duqeeyay ayaa biyo ka dhaansanaayay ceel ku yaalla togga Timirshe islamarkaana khasaare xooggan lagu gaarsiiyay, inkastoo Saraakiisha Puntland aysan ka xog waramin inta uu la eeg yahay Khasaaraha soo gaaray xubnaha Daacish-ka. Saraakiisha Puntland ayaa sheegay duqeynta inay fuliyeen diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka, inkastoo wali Mareykanka uusan faah faahin ka bixin duqeyntaasi. 14-kii bishan April ayay ahayd markii duqeyn ka dhacday tuulada Xiriiro oo ka tirsan degmada Isku-shuban lagu dilay ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya sida ay sheegtay dowladda Maraykanka oo duqeyntasi fulisay.



Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn culus oo shalay Salaadii Jimcaha kadib ka dhacday Gobolka Bari ee deeganada Maamulka Puntland.

Duqeyntaan ayaa la sheegay in lala beegsaday Saraakiil ka tirsan Kooxda Daacish ee deeganada Puntland ka dagaalanta, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka Puntland oo Warbaahinta la hadlay.

Saraakiishaan ayaa sheegay xubno Daacish ka tirsan oo Ceel biyo ka dhaansanaayay in duqeynta lala beegsaday, islamarkaana ay jiraan khasaare kala duwan oo soo gaaray xubnaha Daacishka.

Xubnaha Daacish ee la duqeeyay ayaa biyo ka dhaansanaayay ceel ku yaalla togga Timirshe islamarkaana khasaare xooggan lagu gaarsiiyay, inkastoo Saraakiisha Puntland aysan ka xog waramin inta uu la eeg yahay Khasaaraha soo gaaray xubnaha Daacish-ka.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay duqeynta inay fuliyeen diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Mareykanka, inkastoo wali Mareykanka uusan faah faahin ka bixin duqeyntaasi.

14-kii bishan April ayay ahayd markii duqeyn ka dhacday tuulada Xiriiro oo ka tirsan degmada Isku-shuban lagu dilay ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya sida ay sheegtay dowladda Maraykanka oo duqeyntasi fulisay.
Developed by Jago Desain