Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka bilowday Degmada Baargaal Ololaha qaadista Cashuurta Gaadiidka(Sawirro)

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka bilowday Degmada Baargaal Ololaha qaadista Cashuurta Gaadiidka(Sawirro)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee gobolka Gardafuu ayaa maalmihii la soo dhaafay ka waday degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ololaha Cashuuraha Gaadiidka.

Ololaha oo ahaa  mid si guud uga bilowday Gobolada Puntland kaas oo uu horay u shaaciyay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire cabdi.

Ololaha Cashuurta Gaadiidka ee degmada Baargaal ayaa waxaa hogaaminaayay  Xisabiyaha guud ee wasaarada Maaliyada ee gobolka gardafuu Mudane Maxamed Axmed Jeeg oo todobaadkan kormeer shaqo oo lagu dardargalinayo laguna hirgalinaayo cashuuraha barriga iyo cashuuraha gaadidka sida cashuurta maydiga fooxa beeyada guryaha , customka iwm

Xisabiyaha guud ee wasaarada Maaliyada ee gobolka gardafuu ayaa kormeerkiisa shaqo waxaa ku weheliyay maamulaha cashuuraha beriga iyo maamulaha kastamka iyo internal audit ee gobolka Gardafuu ayagoo kormeer shaqo ka waday gobolka guud ahaan islamarkaan waxay ku sugnaayeen 5 maalmood degmda baargaal ayagoo booqday xarumaha dawlada oo ugu horeeyo xafiiska wasaarada maaliyada ee degmada baargaal iyo guriga dawlada hoose halkaas o shir balaaran kula qaateen maamulka Degmada waxgaradka ganacsatada cuqaasha iyo qaybaha kale ee Bulshada 

wafdiga ayaa waxay warbixino kooban waxay kaga dhegeysteen mas’uuliyiinta xarumaha ay booqdeen iyagoo ku  booriyey iney hawsha ay u hayaan Shacabka sii laba laabaan 

Maamulka iyo waxgaradka  degmada baargaal ayaa soo dhaweeyay oo ballan qaaday in ay la hirgalinaayaan wasaarada maaliyada ee degmada baargaal cashuur walba oo ay qaadayso ama ay hirgalinayso in ay kala shaqayn doonaan ayagoo dhinacooda  dawlada ka codsaday hirgalinta dhismihii wasaarada maaliyadu dhagax dhigtay muddo sanad ka hor ah  , oo uu deegaanku bixiay bogcadii laga hirgalin lahaa waxay ka codsadeen mar labaad masuuliyiinta gobolka inay ka gaarsiiyaan fariintaas dhismaaha wasaarada maaliyada sida ugu dhakhsaha badan in looga hirgaliyo degmada, Masuuliyiintaas oo arintaas horay u ogaa ayaa hada ballan qaaday inay madaxda wasaarada maaliyada gaarsiinayaan 

wafdiga wasaarada Maaliyada ee Gobolka Gardafuu ayaa inta aysan soo gaarin Degmada Baargaal waxay kormeer shaqo ku soo mareen shaqada ka soctota wadada lafagoray

Halkan hoose ka daawo sawirada
















Developed by Jago Desain