Askari ka tirsan Booliiska Puntland oo lagu dilay Boosaaso

Askari ka tirsan Booliiska Puntland oo lagu dilay Boosaaso

Sharma’arke Axmed Waaberi oo ka tirsanaa ciidanka Booliiska gobolka Bari, gaar ahaanna saldhiga lagu magacaabo Mijir ee magaalada Boosaaso ayaa caawo lagu dilay gudaha Boosaaso.

Askariga ayaa ku dhintay rasaas ay dableey hubaysan ku fureen, gaari nooca Brobox loo yaqaanno ah oo ay saarnaayeen isaga iyo askar kale, xilli uu fiidnimadii caawo marayay isgooyska Banaadir ee magaalada Boosaaso.

Sidoo kale mid kamid ah 2 askari oo gaariga la saarnaa, ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray rasaasta ay fureen dableyda hubaysan oo aan haybtooda la garan.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid loo qabtay dilka askariga iyo cid sheegatay midna balse Booliiska ayaa hawlgallo baaritaan ah ka wadaa aga’gaarka dilkaasi ka dhacay.
Developed by Jago Desain