Ilaalada Xeebaha Malta oo bad baadiyay Boqolaal ruux


Ciidamada ilaalada xeebaha Malta ayaa badbadiyay 216 –ruux oo isugu jiray Qaxooti iyo Muhaajiriin, kadib kolkii iyagoo la socda laba dooni laga helay Badweynta Mediterranean-ka ee kulaasha Jasiiraddaasi.

Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sheegay in maalinimadii Jimcaha labadaasi dooni laga soo qabtay meel Koonfur kaga began Malta,ka dib howlgallo ay ku dhaqaaqeen kooxo heegan ah.

Dadkaasi la badbaadiyay ayaa lagu waramay in ay ka mid ahaayeen Haweeneey uur leh iyo Caruur, kuwaas oo illaa hadda aan la xaqiijin dalalka ay ka soo kala jeedaan.

Cimilada oo degan aawadeed ayaa sababtay in labadii cisho ee u dambeeyay ay bataan dadka ka soo hayaamaya dalalka Libya, Tunisia, iyo Algeria,waxaana magaalooyinka Sicily, Sardinia, iyo Lampedusa gaaray 12 dooni oo ay la socdeen qaxooti iyo dad muhaajiriin ah.
Developed by Jago Desain