Madaxwayne Farmaajo “Xaaf wuxuu diiday dawadii loo qoray, wuxuuna rabay muddo kororsi, waana ka diidnay”

Waa markii ugu horeysay oo uu Madaxweyne Farmaajo ka hadlo shirkii Garoowe ku dhex maray Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada kaasoo lagu soo kala tagay iyadoo aysan jirin wax is faham ah

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayey Munaasabadda sanadkii guuradii 76-aad ee ururkii Dhallinyarada SYL oo Caawa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Shirkii Garoowe iyo sababihii keenay in la isku fahmi waayo.

Madaxweynaha oo ka hadlayey Shirka Garoowe ayaa sheegay in qaar ka tirsan Madaxda Maamul Goboleedyda, gaar ahaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf uu doonayey inuu waqti kororsi sameysto taasina ay ka hor timaaday Dowladda Soomaaliya.

Madxweynaha ayaa sheegay inuu markii hore Xaaf ka ogolaaday in dib u heshiisiin loo sameeyo garbaha isku khilaafsan Maamulkaas balse wuxuu sheegay inuu dib iska badalay markii lagala soo hadlay meel ka baxsan shirka oo uu ula jeeday inay Ahlu Sunna lasoo hadashay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Daawada Galmudug ay tahay inaan waqti kororsi la sameysan isla markaasna la xaliyo khilaafka taagan loona diyaar garoobo Doorasho cusub balse aysan marnaba suurta gal aheyn in Xaaf loo ogolaado Muddo Kororsi iyo Maamulada kalaba.

Madaxweynaha ayaa Xaaf ku eedeeyey inuusan qaadan daawadii ay u baahneyd Galmudug oo ah in la sameeyo dib u heshiisiin iyo in la iska hilmaami waqti kororsi.


Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay arrinta Galmudug ayaa ku kaftamay xaalada ka jirta ay la mid tahay sida qof xanuunsan oo loo baahan yahay saddex marxalad inuu maro, in marka hore Isbitaal tago, la ogaado xaalkiisa, la baaro, kaddibna daawo la siiyo, balse daawadii uu diiday Madaxweyne Xaaf.

“Qofka hadduu xanuunsan yahay saddex weji ayuu maraa, weji waa inuu aqbalo inuu xanuunsan yahay oo uu isbitaal aado, waxaa u baahanahay uu yiraahdo xaaladeyda inaan ogaado, wejiga labaad waa in la fiiriyo xaaladiisa cudurka uu qabo iyo xaalada uu ku jiro, sida loo daaweyn karo, qeybta saddexaad waxaa loo qoraa daawo, arrinta Galmudug marka ka hadlo arrimaha kale gaar weeye, waa aragnay dhibka jira, waa dhageysanay, waa baarnay waxaa ogaanay in loo baahan yahay in la wada hadlo, dadka gobolka degan dib u heshiisiin in loo sameeyo, ka bacdi doorashada in la galo, madaxweynaha walaalkey ma aqbalin daawadii mana qaadan, qofka marka meel yimaado waa xanuunsanahay daawo la siiyo asiga la rabaa inuu kala doorto daawadii inuu diido, haddii la idin yiri Galmudug lama xalin waa la xaliyay, waqti kororsi intaas ka badan waa in go’aan ka gaaraan dadka reer Galmudug

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn sheegay inay Dowladda Soomaaliya baaritaan ku sameysay dhibaatada heysato Galmudug ayna usoo baxday inay lagama maarmaan tahay in dhinacyada Galmudug loo sameeyo wadahadal kadibna doorashada la qabto waqtigeeda

Waa markii ugu horeysay oo uu Madaxweyne Farmaajo ka hadlo shirkii Garoowe ku dhex maray Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada kaasoo lagu soo kala tagay iyadoo aysan jirin wax is faham ah
Developed by Jago Desain