SAWIRO: Gudoomiaha Gobolka Gardafuu oo Maanta ka Daahfuray Imtixaanaadkii Shahaadiga ah Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu

SAWIRO: Gudoomiaha Gobolka Gardafuu oo Maanta ka Daahfuray Imtixaanaadkii Shahaadiga ah Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu

Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Mudane Maxamuud Axmed Caynab  oo ay weheliyaan masuuliyiin ka socda Maamulka Degmada Baargaal , Gudigga waxbarashada Degmada  , ururka Midawga Ardayda Baargaalee UMAB waxgarad iyo cuqaal ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-5-2019 magaalada Baargaal ee Gobolka Gardauu ka daahfuray Imitxaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2018/2019 fasalada 8-aad iyo fasalka 4-aad ee dugsiyada sare kaas oo  maanta si isku mid ah uga bilowday Deegaanada Puntlad oo idil 
Munaasab kooban oo lagu daah furayay imtixaanaadka shahaadada Dugsiyada sare iyo dhexe  , ayaa laga Jeediyay khudbado lagu muujinayay ahamiyada waxbarashada ,iyadoo masuuliyiintii ka khudbeeyay ay ardayda kula dardaarmeen  iney nidaamka ilaaliyaan wakhtigana dhawraan , una rajeeyey guul iyo horumar.
waxaa maanta Deegaanada kala duwan ee Puntland  si isku mid ah uga bilowday  Imitxaanka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2018/2019 fasalada 8-aad iyo fasalka 4-aad ee dugsiyada sare ee Puntland, tirada imtixaanka galaysana lagu sheegay 15,800 oo arday.

Ardayda ka qeyb galaysa imtixaankan ayaa ka kala socda dugsiyada sare iyo kuwa dhexe ee ku yaala deegaanada kala duwan ee Puntland,waxaana goobaha lagu qaadayo imtixaanka shahaadiga ay kor u dhaafayaan Boqolaal goobood oo ku kala yaala magaalooyinka waa weyn iyo degaanada iyo degmooyinka kale ee Puntland.

Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa diyaarisay kormeerayaal iyo macalimiin ka socda iskuulada kuwaas oo ilaalinaya nidaamka ay ardayda Puntland u galayaan imtixaanka.

ugu danbayntii Maamulka iyo Shaqaalaha Shabakada BAARGAAL.NET Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari waxay dhamaan ardayda imtixaanka u fariisanaysa ee Fasalada 8 aad iyo 12 aad ee dhamaan deegaanada Puntland iyo gayiga soomaaliyeed  u rajaynaynaan in ilaahay u fududeeyo imtixaanka ugana dhigo mid u horseeda mustaqbal ifaya.














Developed by Jago Desain