Beeralayda Qaadka ee Dalka Kenya oo ka Cabanayaya in Qaadkooda qiimo aad u hooseeya looga iibsado

Beeralayda Qaadka ee Dalka Kenya ayaa in mudo ah ka Cabanayay Qaadkooda oo qiimo aad u hooseeya looga iibsado

Beeralayda Qaadka ee Dalka Kenya ayaa ka Cabanaya in Qaadkooda qiimo aad u hooseeya looga iibsado, iyadoon wax isbadal sare u kac ah uu san dhicin mudooyinkii lasoo dhaafay halka badeecadaha kale ay sare u kacayay qiimohoodu siday hadalka u dhigeen.

Richard Ngatia oo ah Gudoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga Kenya ayaa cabashada Beeralayda Qaadka wuxuu ku tilmasmey mid u baahneyd in mar hore wax laga qabto, wuxuuna yiri 


“Waxaa meesha ka maqan in Masuuliyiintii aniga iga horaysay aysan wax Suuqgeyn (Marketing) aysan u sameyn Beeralaydaan Qaadka, waana tan keentay in Dulaaliin u kala dhexeeya Beeralayda iyo Ganacsatada Qaad ka ay qiimo go’an ay ku hayaan Suuqaan”
Beeralayda qaadka beerata ayaa iminka rajaynaya iney qiimo fiican ku helaan waxsoosaarkooda.

Suuqa ugu weyn ee qaadka Kenya loo dhoofiyo ayaa ah Soomaaliya,
Developed by Jago Desain