DEG DEG: Guddigii Doorashooyinka Puntland ee TPEC oo is casilay

Guddigii Doorashooyinka KMG ah ee Puntland oo loogu talo-galay qabashada doorasho nidaamka xisbiyada badan in ay qabtaan ayaa si rasmi ah iskaga casilay shaqadii ay hayeen. Xubnaha guddigan oo ay soo kala magacaabaan Madaxweynaha Puntland iyo guddoonka baarlamaanka ayaa mudadii ay shaqeynayeen, waxaa lagu tiriyaa in aysan horey u dhaqaajin geedi socodka dimuquraadiyadda Puntland. Guddigan ayaa labo habeen ka hor la kulmay Madaxweynaha Puntland oo ay gudbiyeen is casiladooda, iyagoo sabab uga dhigay arrimo kala duwan oo ragaadiyey nidaamka Dimuquraadiyadda mandiqada. Madaxweynaha Puntland ayaa ka aqbalay is casiladooda, sidda ay sheegayaan warar hoose oo laga helayo Madaxtooyada, waxaana lagu sababeeyey in ay guddi cusub la magacaabi doono, kaas oo ay wada shaqeyn karaan Hay’addaha cusub ee dawladda. Majirto faahfaahin madax banaan, balse Warsidaha Puntlandtimes.com ayaa falanqeyn gaar ah ku sameyn doonaan Nidaamka Xisbiyada ee Puntland iyo arrimaha uu la dhaqaaqi waayay.

Guddigii Doorashooyinka KMG ah ee Puntland oo loogu talo-galay qabashada doorasho nidaamka xisbiyada badan in ay qabtaan ayaa si rasmi ah iskaga casilay shaqadii ay hayeen.

Xubnaha guddigan oo ay soo kala magacaabaan Madaxweynaha Puntland iyo guddoonka baarlamaanka ayaa mudadii ay shaqeynayeen, waxaa lagu tiriyaa in aysan horey u dhaqaajin geedi socodka dimuquraadiyadda Puntland.

Guddigan ayaa labo habeen ka hor la kulmay Madaxweynaha Puntland oo ay gudbiyeen is casiladooda, iyagoo sabab uga dhigay arrimo kala duwan oo ragaadiyey nidaamka Dimuquraadiyadda mandiqada.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka aqbalay is casiladooda, sidda ay sheegayaan warar hoose oo laga helayo Madaxtooyada, waxaana lagu sababeeyey in ay guddi cusub la magacaabi doono, kaas oo ay wada shaqeyn karaan Hay’addaha cusub ee dawladda.

Majirto faahfaahin madax banaan, balse Warsidaha Puntlandtimes.com ayaa falanqeyn gaar ah ku sameyn doonaan Nidaamka Xisbiyada ee Puntland iyo arrimaha uu la dhaqaaqi waayay.
Developed by Jago Desain