DEG DEG: Saacudiga oo ku dhawaaqay in Berri Ciid tahay

DEG DEG: Saacudiga oo ku dhawaaqay in Berri Ciid tahay
Dowladda Sacuudiga ayaa daqiiqado ka hor si rasmi ah ugu dhawaaqday in Maalinta Berri ah ay tahay Kowda Bisha Shawaal.

Wasiirka Awqaafta Iyo Arrimaha diinta Sacuudiga Sultan Bin Saeed Al Badi ayaa sheegay in Maanta ay tahay Maalintii ugu dambeysay Bisha Ramadan Berrina ah tahay Maalinta Koowaad ee Bisha Shawaal.

Go,aankaan oo kasoo maxkamadda Sare ee dalka Sacuudiga ayaa yimid kadib markii guddiga ay Dowladda u xir saartay raadinta Bisha Shawaal ay soo sheegeyn inay Bisha arkeyn.

Waxaa jiro wadamo kale oo Islaam ah oo looga dhawaaqay in Ciidda ay tahay Maalinta Arbacada ah waxaana wadamadaas hormuud u ah Malaysia iyo Indonosia, waxaana muuqato in dowladaha Islaamka ay isku khilaafeen dhalashada Bisha Shawaal.

Illaa hadda go,aan kama soo bixin dowladda Soomaaliya inkastoo la aaminsan yahay in go,aanka Dowladda uu ku xiran yahay kan Sacuudiga.

Dhamaan umada Soomaaliyeed meel walaba oo aad joogtaan waxaan idin leenahay Ciidwanaagsan, 29 cisho kadib waxaa idinku hanbalyaynanaa dabaaldaga maalinta ciida Fidriga oo aad ku wada damaashaadaysaan dunida daafeheeda.
Waxaan hambalyo gaar ah u diraynaa akhristayaasha shabakada Baargaal.net waxaan ilahay ka rajaynaynaa in uu naga aqbalo cibaadada Soonka cadaabtana uu naga xoreeyo Insha Allah.

Waxaan Alle weydiisanaynaa in u dalka Soomaaliya iyo dadkaba uu ka dul qaado dhibaatada Dagaalada Colaada iyo abaaraha uguna badalo Nabad, Cadaalad, Horumar, Sinaan, iyo Barwaaqo.

SHABAKADA BAARGAAl.NET
Isha wararka horumarka Deeganada Calbari
Nagala soo xiriir : Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain