Gudoomiyaha Liverpool: Philippe Coutinho Wuu Ka Shalaynayaa In Uu Ka Tagay Liverpool

Gudoomiyaha Liverpool: Philippe Coutinho Wuu Ka Shalaynayaa In Uu Ka Tagay Liverpool

Gudoomiyaha kooxda Liverpool ee Tom Werner ayaa rumaysan in uu Philippe Coutinho ka shalaynayo in uu ka tagay kooxda Liverpool kuna biiray kooxda Barcelona intii lagu jiray suuqii January ee 2018.

26 jirka reer Brazil ayaa ku biiray Biiray Barcelona isaga oo ugu biiray lacag dhan 160 Milyan oo Euro isaga oo sheegay in uu qaadayo talaabo muhiim ah oo xirfadiisa ah si uu ugu guulaysto koobab uu ugu horeeyo champions League.

Laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu isku muujiyo kooxda Barcelona haatan diyaar u yahay in uu isaga tago kooxda si uu ugu biiro koox uu si joogto ah ugu ciyaaro xilli ciyaareedka dambe.

Tom Werner oo la hadlaya Liverpool Echo ayaa yidhi”Waxa aan sheegi doonaa sheekada Philippe Coutinho”.
“Kaliya waxa aan hayaa wax fiican oo aan ka sheego Philippe Coutinho, laakiin waxan u malaynayaa in uu uga tagay Liverpool si uu ugu ciyaaro kooxaha reer Spain”.
“Waxa aan isku daynay in aan ku qancino in ay kooxdu ku socoto wadada saxda ah waliba uu ka qayb qaadan doono habeeno champions League oo taariikhi ah hadii uu sii joogo Liverpool”.

“Waxan u malaynayaa in uu haatan ka shalaynayo go,aankii uu Kaga Tagay Liverpool”.
Developed by Jago Desain