Raiisal Wasaare Khayre oo la kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre iyo danjiraha cusub ee Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martinez, oo ku kulmay Muqdisho ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka midawga Yurub iyo Soomaaliya iyo dardar gelinta mashaariicda midawga Yurub ay ka fuliyo Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre iyo danjiraha cusub ee Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martinez, oo ku kulmay Muqdisho ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka midawga Yurub iyo Soomaaliya iyo dardar gelinta mashaariicda midawga Yurub ay ka fuliyo Soomaaliya.


Safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay soo dhawaynta ballaaran, waxa uuna ballan qaaday in uu ka shaqayn doono dardar gelinta mashaariicda ay dalka ka wadaan iyo xoojinta xariirka laba geesoodka ah.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa midawga Yurub uga mahad celiyay taageerada ballaaran ee la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyay shir ay kasoo qayb galeen taliyaha booliska, saraakiil sare oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo Safiirka cusub ee Midawga Yurub kaas oo looga hadlay horumarinta booliiska Soomaaliyeed.


Midawga Yurub ayaa Soomaaliya ka taageera dhinacya badan oo ay kamid tahay tababarrada ciidamada Booliiska si sare loogu qaado awoodda iyo xirfadda sugidda amniga mawaadiniinta.
Developed by Jago Desain