Sawiro: Machad imaamu Al-albaani Oo Xaflad Qalin jabin ah u Qabtay Dufcadii 2-aad ee ka qalin jabisa machadka

Sawiro: Machad imaamu Al-albaani Oo Xaflad Qalin jabin ah u Qabtay Dufcadii 2-aad ee ka qalin jabisa machadka
Maamulka Machadka Imaamu AlAlbaani ee Barashada culuumta shareecada islaamka iyo ku hadalka luqada carabiga  ayaa u qabtay xaflad qalinjabin Shahaadooyinna gudoonsiiyay  Dufacdii 2 add  ee Ardayda ka Qalin jabisey qaybaha kala duwan ee Culuumta shareeda ee Machadka imaamu AlAlbaani ee Magaalda Baargaal o. 

Xafladan oo ay ka Soo Qayb galeen marti Sharaf aad u badan , oo isugu jiray waxgarad , Culimaa’u Diin , Ganacsato, Macallimiin, Waalidiin , arday iyo marti kale oo badan ayaa waxaa lagu furay aayado quraan ah oo uu akhriyay arday kamid ah ardayda Machadka Imaamu AlAlbaani ee Barashada culuumta shareecada islaamka iyo ku hadalka luqada carabiga 

intaasi kadib waxaa ka hadlay madasha xaflada Maamulha Machadka Sheekh Axmed shire cismaan oo marka hore soo dhaweeyay marti sharaftii ka soo qayb gashay munaasibada qalin bedelashada dufcadii 2aad ee ka qalin bedelata machadka asagoo  uga warbixiyay taariikhda macdaka oo oo maanta ay ka qalinjabinayso dufcadii 2aad iyo heerka ay gaareen ardaydii ka qalinjabisay machadka 

xafladan ayaa waxaa sidoo kale hadalo qiimo leh ka jeediyay Masuuliyiin , waalidiin ,xubnu kamid ah guddiga waxbarashada , culimo iyo marti sharaf kale oo badan , kuwaaas oo dhamaan u hambalyeeyay ardaydan baratay cilmi la barto kan ugu khayrka badan ayagoo ku booriyay inay sii wadaan dadaalka iyo horumarka .

Ugu Danbeyntii , Ardaydii dhameysey oo ahayd Dufcadii 2aad ee ka qalinjabisa machadka imaamu Alalbaani ee Magaalada Baargaal oo dhamaa 24 arday  oo isugu Jirey Wiilal iyo Gabdho , Waxaana la Gudoonsiiyey Shahaadoyin

















Developed by Jago Desain