Somalia oo heshiis la gashay shirkado shidaal oo USA iyo Netherlands laga leeyahay


Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u soo celiyeen heshiisyadii dowladdii dhexe la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo muddo 30 sano ku dhaw dalka ka maqnaa.

Shell ayaa waxaa laga leeyahay dalka Netherland, halka Exxon Mobile laga leeyahay dalka Mareykana.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal, ayaa u sheegay in Wasaaraddu ay heshiis la saxiixatay Shirkadaha Caalamiga ah ee Shell iyo Exxon Mobil, kuwaasi oo haatan ka baxay xaaladdii ku qasabtay in ay wadanka kaga baxaan tan iyo bur burkii dowladdi dhexe ee dalka, isagoo intaa ku daray inay aqbaleen in ay bixiyaan dhamaan xuquuqihii lagu lahaa, kuwaas oo ku salaysan qandaraasyadii ay galeen xilligaas ayaga oo raacaya habraaca ku xusan Sharciga Shidaalka ee dalka.

Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal ayaa sheegay in madaxda Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil ay diyaar u yihiin inay ka mid noqdaan geeddi socodka soo saaridda Shidaalka Soomaaliya.
“Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil waxaa jirta qandaraasyo lala galay xilligi dowladdi dhexe ee sideetamadeeyadii oo la siiyay xirmooyin, xirmooyinkaasi ayaga ah waxa ay ahaayeen intii dowladdii dhexe jirtay waqtiyadii heshiiska la galay sida ku cad inay ka shaqeeyaan soona saaraan shidaalka, laakiin dowladdii dhexe markii ay meesha ka baxday oo dhibaatadii dhacday ayay ku baxeen daruuf” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka.
“Tani waxa ay muujineysaa in wadanka ay xasilooni ka jirto, taasi oo Soomaaliya guul u soo hooyatay ay u tahay, waana tallaabo lagu farxo in shirkado caalami ah oo sidan u waa weyn ay diyaar u noqdaan inay dalka dib ugu soo laabtaan” ayuu yiiri Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal.
Developed by Jago Desain