June 17, 2019

War Deg-Dega-Madaxweynihii Hore Dalka Masar Maxamed Morsi oo Geeriyooday.


Madaxweynihii xukunka laga afgambiyey ee dalka Masar, Maxamed Morsi ayaa ku dhex geeriyooday maxkamad ku taalla dalkaas oo maanta lasoo taagay, waxaa sidaas ku warramay taleefishinka dowladda ee Al-Ahram.

Sida ay lagu sheegay warbixinta Talefishinka dowladda Mursi ayaa miir daboolmay markii ay furmatay maxakamadentiisa.

Waxaa la sheegay inuusan kasoo laaban suuxdinta oo uu sidaas kusii dhintay inkastoo aysan jirin hadalo kale oo madax banaan oo muujinayo qaabka uu u dhintay.

Sida qorshaha ahaa Shalay oo Axad aheyd ayaa loo ballansanaa maxkamadenyiisa balse waxaa dib loogu dhigay Maanta oo Isniin ah.

Dowladda ayaa dib u dhigista maxkamadeyntiisa shalay ku sheegtay in la isla sugayey maxkamadeynta 22 xubin oo ka tirsanaa Ikhwaanul Muslimiin oo uu ku jiro madaxii Kooxdaan Madax Badiic.

Sannadkii 2012kii ayaa loo doortay madaxweynaha Masar, ka dib markii xukunka laga tuuray Maxamed Xusni Mubaarak.

Waxaa xilka laga tuuray sannadkii 2013kii oo militariga ay markale maamulka la wareegeen.

wuxuu u tartamay xildhibaan inuu noqdo sanadkii 2000 ilaa 2005tii.

Xisbiga Ikhwaan muslimiin ee xornimada iyo cadaalada ayaa u doortay inuu u noqdo hogaamiye kacdoonkii bishii Janaayo 2011 kadib.
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
NEXT ARTICLE Next Post
PREVIOUS ARTICLE Previous Post
 

Delivered by FeedBurner