Sawiro: Algeria Oo Markii Labaad Taariikhda Ku Guuleystay Koobka Qaramada Afrika , Senagal Ayay Ka badiyeen

Algeria Oo Markii Labaad Taariikhda Ku Guuleystay Koobka Qaramada Afrika , Senagal Ayay Ka badiyeen

Xulka kubada cagta ee Algeria ayaa caaway Markii Labaad Taariikhda Ku Guuleystay Koobka Q/ Afrika , kadib markii ay ciyaar adag oo ku dhamaatay 1-0 uga badiyeen xulka Senagal oo ay ciyaartii finalka isugu soo hareen

Qeybtii hore waxaa badnaa qaladaadka is buurasho xilli saaxibada Mane ay maamulka kubadda ku badnaayeen waxa ayna gaarayeen heer dhan %62 balse waxaa loo diiday in dadaalkaas u turjumaan goolal .


Qeybta labaad Senagal waddo waliba ayay u martay in ay keenaan gooka bar bar dhaca waqti hore waxaana daqiiqaddii 62-aad uu garsooraha uu u dhigay rigoore balse markii uu dib uu eegat VAR waa uu ka laabtay go`aankiisa .

Algeria waxa ay qeybta labaad ciyaareysay kubad rogaal celis ah xilli daafac ahaan ay wacnaayeen , waxaana xusid mudan in saaixbada Mane ay mudnaayeen in ay natiijada wax ka badalaan marka la eego hanaanka ciyaareedkooda oo aad u wacnaa

Waa markii labaad ee taariikhda ee ay Algeria ku guuleysanayaan koobka qaramada afrika iyadoo markii ugu horeeysay ee ay qaadaan ay aheyd sanadkii 1990-kii






Developed by Jago Desain