Daawo: Ururka Midowga Ardayda Baargaal (UMAB) oo qabatay xaflada abaal marinta ardayda Quraanka ku Tartantay.

Daawo: Ururka Midowga Ardayda Baargaal (UMAB) oo qabatay xaflada abaal marinta ardayda Quraanka ku Tartantay.

Baargaal:-Ururka Midowga Ardayda Baargaal ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano UMAB ayaa todobaadkan qabtay xaflad ay ku soo gunaanadaayeen tartankii quraanka kariimka  oo ay bishii barakaysnayd ee ramadaan  u qabteen dugsiyada Quraanka Kariimka ee ku yaala Magaalada Baargaal ,tartankaas oo ahaa midkii labaad ee ururku qabto 

munaasabada oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay xarunta dugsiga daar aw cumar ee Magaalada Baargaal waxaana lagu abaalmariyay dhaman ardaydii kaqaybgashay tartanka Degmada Bargaal tartankasoo ahaa qayb degmada Dhexdeeda ah oo ay ku tartameen ardayda dugsiyada quraanka Magaalada Baargaal iyo mid heer Puntland ah  oo ay ardaydii ku guulaysatay kaalmaha ugu sareeya Baargaal ay  magaca baargaal kaga qayb galeen tartanka qur'aanka ee dhamaan degmoyinka puntland ee lagu qabtay bishii barakaysnayd ee ramaadaan Masjidka Alhuda ee Caasimada Puntland ee Garowe.

Munaasibada Gunaanadka Tartanka oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Midowga Ardayda Baargaal UMAB ayaa  waxaa ka soo qayb galay xoghayaha degmada Baargaal ahna siihayaha duqa Degmada Baargaal Mudane Siciid CAwil Dhuxul ,culumo nabadono cuqaal,o aqoonyahano, haween , macalimiin, waalidiin iyo marti sharaf kale oo badan 

Munaasibada ayaa waxaana marka hore lagu furfuray aayado quraanka ah oo uu akhriyay arday kamid ah ardayda Dugsiga daar aw cumar 

kadibna waxaa kalimad ku saabsan ahamiyadda quraanka jeediyay sh. Cawil Jaamac Muuse Maamulaha Dugsiga Daar aw cumar , asagoo sheekhu umahad celiyay dhamaan dadkii suura galiyay qabashada iyo nidaaminta musaabaqada si gaar arday ku bahawday Ururka UMAB.

inatasi kadib waxaa ka hadlay madasha Xoghayaha Degmada Baargaal Ahna sii hayaha Xilka Gudoomiyaha Degmada Baargaal mudane siciid cawil dhuul oo sheegay in intii uu xilka hayay ay jireen waxyaabo badan oo farxad galiyay oo ay ugu horayso ururka midawga ardayda baargaal UMAB , xaflado badanna uu kala qayb galay , tashigoodii ugu horay ee boosaaso uu la joogay 
wuxuuxa yiri " aad baan u tixgalinaayaa ardaydaas shaqaday hayaana waan ku faraxsanahay haday tahay dhiirigalinta ardayda quraanka dhamaysay waxaan leeyahay meshaad joogtaan horay uga sii wada annaguna ka maamul ahaan waanu nigarab taaganahay 

Ugu dambayntii waxa ka hadlay madasha xoghayaha Ururka Midowga Ardayda Baargaal C/laahi yuuusuf oo sheegay in ururkoodu utaaganyahay wacyi galinta bulshada , iyo ka qayb qaadashada horumarka dhinac kasta , asagoo intaasi ku daray in tartankan lagu guulaystay asagoo u mahad celiyay qofkasta oo gacan fiican ka geeystay qabashada tartankaan.

Ugu danbayn waxaa ardaydii ku guulaysatay kaalmaha hore la guddoon siiyay abaalmarino isuga jira lacago iyo masaaxiif, ayadoo xaflada ku dhamaatay jawi farxad iyo daganaasho ku dheehan tahay 




















Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Baargaaal@gmail.com

Developed by Jago Desain