Daawo: Xildhibaan Muuse siciid xasan : Golaha shacabka Puntland wuxuu meel mariyay Heshiiska Hay’ada HRM oo maamusha Amniga Garoomada Diyaaradaha Puntland.

Hoos kadhagayso Codka Xildhibaan Muuse siciid.


Mudanayaasha Baarlamanka Dowlada Puntland ayaa Manta ansixiyay hehsiiska hay’ada HRM oo ah hay’ada maamusha Amniga Garoomada Diyaaradaha Puntland kaas oo dhawaan barlamanku ka kadoodeen.

Xildhibanada ayaana wax ka badal kusameyya heshiiska hay’ada HRM oo heshiiska ay haatan ku joogto lagashay dowladi hore ee Madaxwayne Gaas, Waxana qodobada heshiiska laga badalay baarlamanka u akhriyay gudoomiyaha gudiga arintaan loo xilsaraay Xildhibaan Muuse Siciid Xasan.

Xildhibaan Muuse siciid xasan ayaa sheegay gudigu wax yalaha ay kabadaleen heshiiska hay’ada ay kamid tahay khidmada baarista rakaabka diyaaradaha iyo magaca hay’ada oo horey u ahaa kaas oo ahaa Horn Riski Management oo horey ua ahaa english balse haatan ay ubadaleen shirkada maaryntab khataraha ee HRM.

Hoos ka daawo  Codka Xildhibaan Muuse siciid.
 
Developed by Jago Desain