Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 5.0 magnitude, oo ruxay gacanka #Gardafuu

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 5.0 magnitude, oo ruxay gacanka Gobolka #Gardafuu

Dhul-gariir cabbirkiisu yahay 5.0 magnitude, ayaa Axaddii shalay ruxay gacanka GARDAFU’ oo kala qeybiya badweynta Hindiya iyo badda Cas, islamarkaana ku yaalla bariga fog ee Puntland sida laga soo xigtay waaxda Sahanka dhulka ee dowladda Maraykanka.

Dhul-gariirka ayaa ku dhuftay, masaafo 171km dhanka Waqooyi bari ka xigta degmada Bareeda oo ka tirsan gobolka Gardafuu  kuna taalla gacanka GARDAFU’ , waxaana uu bilowgii hore ruxay 10km oo gunta hoose ah, isagoo 13.3039 degree oo ballac ah u fiday dhanka waqooyi, halka dhanka barina uu gaaray 50.449 degree dherar ah.

Meesha lagu qiyaasay in uu dhul-gariirkaasi ruxay, ayaa waxaa ku beegan buuraley miibac oo ku yaalla inta u dhexaysa gacanka GARDAFU iyo degmada Qandala ee gobolka bari, inkastoo aan weli xog sugan laga helin, marka laga reebo warka ay soo saartay waaxda Sahanka dhulka ee dowladda Maraykanka.

Degmada Bareeda ee  gobolka GARDAFUU, waa degmao masaafo ahaan ugu fog degmooyinka Puntland, marka laga cabbiro magaalada Garoowe, waxaana ay caasimadda u jirtaa 1556km.
Developed by Jago Desain