Madaxwaynaha Puntland oo laga sugaayo magacaabista Agaasimayaal guud iyo gudoomiyayaasha Gobolada Qaar

Madaxwaynaha Puntland oo laga sugaayo magacaabista Agaasimayaal guud iyo gudoomiyayaal Gobolada Qaar

Madaxweynaha Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la qorsheynayaa in uu saacadaha iyo maalmaha nagu soo wajahan magacaabo Agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha dawladdiisa iyo Gudoomiyayaasha gobalada qaar.

Madaxweynaha Puntland oo todobaadkan laga filayo magacaabidan ayay ka soo baxayaan xogo kala gedisan, waxaana wararku sheegayaan in la diyaariyey liiska magacaabida Agaasimayaasha guud ee dawladda.

Kulan wadatashi ah oo dhexmaray Madaxweynaha & Kuxigeenkiisa oo shalay dib ugu soo laabtay Puntland, ayaa looga hadlay magacaabida agaasimayaashan, waxaana wararku sheegayaan in jagooyinka qaarkood wali hadal ka jiro.

Agaasimayaasha lafilayo in isbedelo waa weyn ku dhici doonaan waxaa la sheegay in ay ku jiraan wasaaraddaha waa weyn ee dawladda, qaarkood ayaana dhawaan lagu eedeeyey musuqmaasuq baahsan iyo hanaanka mashaariicda oo ay jabiyeen.

Madaxweynaha Puntland, todobaadkii lasoo dhaafay wuxuu magacaabay Madaxda Wasaaradda Maaliyada ee dhanka Agaasimayaasha, taas oo ay dad badan dhaliileen qaabka loo maareeyey awood qeybsiga beelaha.
Developed by Jago Desain