Madaxwaynaha Puntland oo markii ugu horaysay magacaabay guddiga Sare ee Latalinta Madaxweynaha

Madaxweynayaashii soo maray Puntland magacaabay guddiga Sare ee Latalinta Madaxweynaha

Guddiga Latalinta ee Madaxweynaha ayaa shaqadoodu tahay in ay talooyin Madaxweynaha ka siiyaan arrimaha siyaasadeed ee dalka iyo halka loo jiheynayo, waxaana ka muuqata in uu go`aankan qaatay Madaxweynuhu xili ay arrimo siyaasadeed taagan yihiin.
Markuu Tixgeliyey, Baahida loo qabo Gole Sare oo La-talineed, Wuxuu Xeeriyey Inuu Magacaabo Guddigan

1. Waxaa Nuuradiin Aadan Diiriye loo magacaabay Guddoomiyaha Golaha.
2. Waxaa Mahdi Maxamuud Cali loo magacaabay Xubin ka mid ah Golaha.
3. Waxaa Yaasmiin Maxamuud Xaamud (Nayn) loo magacaabay Xubin ka mid ah Golaha.
4.Waxaa Drs. Saciido Axmed Cali (Qacle) loo magacaabay Xubin ka mid ah Golaha.
5. Waxaa Eng. Axmed Abshir Faarax loo magacaabay Xubin ka mid ah Golaha.
6.Waxaa Cusmaan Seed Cilmi loo magacaabay Xubin ka mid ah Golaha.
Waa markii Ugu horeysay ee Puntland yeelato Gole Noocaan ah, inta la ogyahay
Developed by Jago Desain