Madaxwaynaha Puntland oo wasaaradda waxbarashada ku amray in la xoojiyo tayeynta waxbarashada maadooyinka Seynis-ka iyo xisaabta

Madaxwaynaha Puntland oo wasaaradda waxbarashada ku amray in la xoojiyo tayeynta waxbarashada maadooyinka Seynis-ka iyo xisaabta

Shirka Golaha Xukuumada Dawlad goboleedka Puntland oo uu shir gudoomiyay madaxwaynaha Dawlad goboleedka Puntland Mudane siciid C/laahi denni ayaa todobaadkan looga hadlay amniga , meelmarinta xeerka maareenta dhulka magaalooyinka puntland , iyadoo warbixino laga dhagayso gudiyada amniga waxbarashada iyo gudiya hoosaadka kale ee golaha wasiirada

wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa golaha uga warbixisay shaacintii imtixaanka iyo hab - usocdka imtixaanka oo ku soo dhamaaday guul , waxay wasaaradu golaha la wadaagtay xogta waxqabad iyo dadaalka isku dhafka ah ee la galiyay arintan oo miro dhalay

madaxwaynaha Dawlada puntland mudane siciid C/laahi deni ayaa u hambalyeeyay ardayda puntland , gaar haan kuwa kaalmaha sare ka galay imtixaanka ,asagoo faray wasaarada waxbarashada si gaar ah iyo guud ahaan golaha in la xoojiyo tayeynta waxbarshada si gaar ah maadooyinka seyniska iyo xisaabaadka oo laf dhabar u ah aqoonta casrigan.


halkan ka daalaco warmurtiyeedka





Developed by Jago Desain