Puntland oo ka warbixisay Dhul-gariir ka dhacay gobolka Gardafuu

Puntland oo ka warbixisay Dhul-gariir ka dhacay

Dawlad goboleedka Puntland ayaa ka warbixisay dhul-gariir la sheegay in uu ka dhacay badda gacanka Cadmeed ee Gobolka Gardafuu ee bariga Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash ayaa goordhaweyd sheegay in dhul-gariirka ka dhacay badda gacanka Cadmeed meel Magaalada Bareeda woqooyi-galbeed uga beegan oo gudaha badda ah una jirta 171km.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Puntland, ayaa xusay in aysan jirin khasaare ka dhashay Dhul-gariirka,isla markaana ay u direen koox xaqiiqo raadin ah.

Dhul-gariirka oo dhacay bilowgii todobaadkan ayaa laga maqlay magaalada Geesaley, ee isla gobolka Garda-fuu iyo deegaanno kale oo badda ku teedsan.
Developed by Jago Desain