Daawo: Puntland oo ku gacan sayrtay Dalabkii Madaxweyne Farmaajo oo ahaa in shuruud la'aan lagu sii daayo xubno ka tirsan Guddiga dhismaha Wadadda Boosaaso

Xeer ilaaliyaha Guud ee ..



Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamuud Xasan Ow-Cusmaan oo caawa la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in xubnaha lagu xiray magaalada Boosaaso loo heysto ku-xadgudunka Sharciga u yaalla Puntland, laguna dhaqi doono wixii uu sharciga arrintooda ka qabo. 

Wuxuu meesha saaray in arrimaha u gaarka ah Puntland aysan ka hadli karin cid kale sida madaxda dowladda federaalka iyo cid kale, isagoo sheegay in xubnahaasi oo ku kala xiran Garowe iyo Boosaaso aan lagu soo xirin amar kasoo baxay madaxweynaha Puntland ee loo heysto arrimo sharci jebin ah oo ay ku eedeysan yihiin.

 
Warkan ayaa jawaab u ah dalabkii madaxweyne Farmaajo u diray Madaxweynaha Puntland oo telefoonka uu kula xiriiray, isagoo ka dalbaday in shuruud la’aan lagu sii daayo xubnaha madaxda ka ahaa mashruuca dib u dhiska Wadadda Boosaaso oo loo heysto lacag uu Guddigooda ka hela dowladda Federaalka Soomaaliya.

Developed by Jago Desain