Sawiro : Shirkii Beelaha Aadan Cabdiraxmaan oo maanta si rasmi ah uga furmay Degmada Baargaal

Sawiro : Shirkii Beelaha Aadan Cabdiraxmaan oo maanta si rasmi ah uga furmay Baargaal

Waxaa Si rasmi ah saaka oo ay taariikhdu tahay 6da biaha July, 2019 8deedii subaxnimo Hoolka Shirarka ee Magaalada Baargaal si rasmi ah uga furmay Shirkii beesha Aadan Cabdiraxmaan. 


Ergada ka qayb galaysa shirka oo kakala yimid beelaha ku abtirsada Aadan Cabrixmaan oo gaaraya 50 xubnood iyo marti sharaf lagu cusumay shirka, culimada, aqoonyahanka iyo maamulka degmada ayaa waxa wada guddoominayay nabadoonada beesha.

Shirkan oo hurudhaciisu bilaabmay maalintii Isniinta oo ay bishan July ahayd 1da, 2019 ayaa waxa loogu gogol xaadhayay shirwaynaha maanta furmay iyadoo ay beelaha isla soo gorfeeyeen in ay ka gudbaan mad-madow jiray, isqancin iyo in ay aragti midaysan ka qaataan si uu shirwaynaha u noqdo taabagal.

Shirka Ajandaha horyaala ayaa waxa ka mid ah: Caleema Saarka Suldaanka, Siyaasadda, Horumarinta iyo maamulka deegaanka Beesha degto, iyo in ay yeeshaan hal cod oo midaysan.

Shirka maanta furmay ayaa waxaa erayo ku aadan midnimada, wadajirka iyo in ay masiirka Beesha ka soo kala jeediyay xubno ka socday Afarta beel Aadan Cabdiraxmaan. 

Waxa laysku waafaqay in ay lagama maarmaan u tahay beesha in ay samaystaan Hogaamiye lana mudeeyo xiliga la qaban doono Calama saarka Suldaanka Beesha Aadan cabdiraxmaan.

Waxaa sidoo kale erayo kooban ka soo kala jeediyay xubno ay ka mid yihiin qurba joogta Beesha oo u muujiyay tageeradooda dhinac walba kaga aadan uguna duceeyay in shirka ilaah ka dhigo mid ay ka soo baxaan go’aano miro dhal ah.

Waxaa shirkan uu horseed u noqon doonaa haddii uu najaxo in beelaha kale ee Siwaaqroon ay kaga daydaan iyaguna samaystaan hogaan ay isku raacsan yihiin. 

Waxaa muuqda ifafaalo muujinaya in Beesha haatan garawsatay in aan lagu sii jiri karin sida ay wax ahaayeen 100kii sano aynu ka soo gudubnay oo ay luntay sharafkii iyo maqaamkii beesha ku lahayd Puntland gaar ahaan iyo Somaliya guud ahaan.












Developed by Jago Desain