Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka wadatashiga iyo Aqbilaadda Suldaanka Beelaha Aadan C/raxmaan ee Degmada Baargaal Ka socday

Warmurtiyeed laga soo saaray Shirka wadatashiga iyo Aqbilaadda Suldaanka Beelaha Aadan C/raxmaan ee Degmada Baargaal Ka socday


Sidii lala wada socday, shirar muddo u socday Beelaha Aadan C/raxman soona bilowday sannadkii 2017-kii, kana kala dhacay magaalooyinka Baargaal, Taageer, Qoraxaad iyo Bosaso, shirarkaas oo beelaha Aadan Cabdiraxmaan si wadar ah, oo aan wax khilaaf ah lahayn, isugu waafaqeen in ay yeeshaan isim mideeya, isla shirarkaas beeluhu waxay ku sifeeyeen qofka ay doonayaan iyo shuruudo qoraal ahaan loo soo gudbiyey, oo saxiix leh.

Iyadoo la tixgelinayo rabitaanka iyo soojeedintii beelaha waxaa la dhisay guddi xeerbeegti iyo indheergarad ah, oo sameeya hannaan iyo xeerar haga xulista iyo ansixinta isimka cusub.

Iyadoo xeerarkaas la dabakhayo, bishii Febraury 2018 shir ka dhacay magaalada Bosaso, oo ay ku kulmeen nabadoono iyo waxgarad ayaa waxaa la calaamadiyey in Sh. Maxamed Muuse Axmed(Indhataag) noqon karo shakhsigii ay doonayeen beelaha Aadan Cabdiraxmaan.

Intaas ka dib, xeerarka la dejiyey waxay dhigayeen in ergo isu dheelitiran, oo beelaha Aadan Cabdiraxmaan si madax bannaan u soo xushaan, ay hal meel ku kulmaan, loona soo bandhigo isimka la calaamadiyey, oo ay ka doodaan, wixii turxaan iyo tabasho ahna iska qanciyaan, ka dibna si wadar ah ku aqbalaan.

Haddaba, si beeluhu u aqbalaan isimka cusub ayaa markii ay taariikhdu ahayd 15-kii April 2019 kulan uu guddigu ku yeeshay Bosaso wuxuu bixiyey iclaan ku saabsan in shirka aqbalaada suldaanku ku qabsoomi doono Baargaal marka taariikhdu tahay 15-ka bisha soonfur ( oo ku beegan 19-kii June 2019) Waxaa Beelaha lagu wargeliyey in ay soo diyaarsadaan mudadaas ka hor 55 guurti ah: 15 xubnood beesha liibaan cabdisamad, 15 xubnood beesha Yoonis Cabdisamad, 10 xubnood beesha Maxamuud Cabdisamad, 15 xubnood beesha Ibraahim Cabdisamad.

Iyagoo shaqadaas fulinaya, ayaa 8 xubnood oo guddiga qabanqaabada ka mid ah waxay Bosaso kasoo safreen markii la gaaray waqtigii shirka loo balansanaa. Sidoo kale aqlabiyadii guurtidii lagu balansanaa ayaa soo xaadiray Baargaal waqtigii la cayimay. Shirka oo la furay 1dii July 2019, soona idlaaday 07/07/2019 ayaa waxaa uu marayey marxalado kala gedisan oo isqancin, turxaanbixin, wacyigelin iyo doodo furan ah.

6dii bisha July 2019 ayaa shirka oo ay soo xaadireen 50 xubnood oo guurti ah, waxay si wadar ah u aqbaleen in Suldaan Maxamed Muuse Axmed uu yahay suldaanka guud ee beelaha Aadan Cabdiraxmaan mideeya.

Sidaa awgeed, go’aadan ayaa meelmaray: 


1. In Taariikhdan laga bilaabo uu Suldaan Maxamed Muuse Indhataag yahay isimka guud ee beelaha Aadan Cabdiraxmaan, uuna beesha iyo ummadda soomaaliyeedba ka mudan yahay ixtiraam isimnimo. 

 2. In xafladda caanashubka Isimku ay dhacdo 1da November 2019. 

 3. In guddiga qabanqaabadu soo gudbiyo goobta caanashubka, isla markaasna uu iclaamiyo muddo 60 cisho ah ka dib taariikhdan.





Sidoo kale, guurtidii, korjoogtadii, culimadii, nabadoonadii iyo jaaliyadihii shirka kasoo aragti dhiibtay waxay soo jeediyeen kuna baaqeen:

1. In si guud looga qayb qaato horumarinta Gobolka gardafuu iyo amnigiisa

2. In loogu baaqo dowladda, hay’adaha iyo dhammaan shacabka reer puntland in si degdeg ah wax looga qabto musiibada dabiiciga ah ee ku dhacday magaalo madaxda gobolka Gardafuu ee Caluula.

3. Shirku wuxuu ugu baaqayaa in Dowlada (Federal iyo Puntland) iyo shacabka reer puntland inay ka qayb-qaataan hirgelinta wadada halbowlaha ah ee Kalabayr-Caluula.

4. In si guud looga shaqeeyo horumarinta deegaanka lagana hortago wax kasta oo keeni kara xaaluf deegaan oo saameeya badda iyo birigaba.

5. In la dhiirigeliyo nolosha reer miyiga loona abuuro fursado lagu taageerayo.

6. In laga wada qaybqaato hirgelinta ceelka Qorraxaad iyo dhammaan dhulka biyo la’aantu ka jirto.

Liiska guurtida

1. Siyaasi: C/raxmaan Caynab Muuse
2. Caaqil: Saalax Cumar Samatar
3. Caaqil: Maxamud Ismaaciil Liig
4. Caaqil: Maxamed Abshir Yuusuf
5. Caaqil: Carays Muumin Xisaab
6. Caaqil: Dacar Cadaawe
7. Maxamed Cumar Cabdalle
8. C/kaariin Maxamed Ismaaciil
9. Aqoon: Abdi Saalax Muuse
10. Maxamud Maxamed Cumar
11. Sh. Siciid Yusuf Aadan
12. Rooble Cartan Dumbuje
13. Jaamac Caduur
14. Nuux Saalax Xuseen
15. Siciid Maxamed Axmed
16. Ganacsade: Warsame Shire Cismaan
17. Caaqil: Cabdi Xaaji Yuusuf
18. Caaqil: Mire Caynab Siciid
19. Sh. Cali Saciid Cali
20. Mudane: Ayaanle Abshir Axmed
21. Ganacsade: Buruuj Buux C/raxmaan
22. Caaqil: Aadan Cali Muumin(Aadan Bacaraar)
23. Sh. Bootaan Muse Maxamed
24. Caaqil: Cawil Macalin Maxamuud
25. Ganacsade: Shire Cali Kolon
26. Maxamed X. Axmed Awcali
27. Siciid Awaare Saalax
28. Sh. Daahir Faatax Maxamud
29. Mudane: Jaamac Ciise Jaamac
30. Aqoonyahan: C/fataax Maxamed Muse
31. Xareed Maxamed Muse
32. C/raxmaan Axmed Tuurcade
33. Maxamed Siciid(Maax)
34. Cali Xaaji Cumar
35. Abdi Muse Yusuf (Abdi biid)
36. Siciid Cali Saalax
37. Axmed Maxamedu Bilaaweciid
38. Warsame Hiirad
39. Maxamed Jaamac Muuse (Sumaag)
40. Warsame Baxsi Bile
41. Cabdi Axmed Salaad
42. Faarax Saalax Yuusuf
43. C/raxmaan Maxamud Saalax
44. C/laahi Maxamud Siciid
45. Yusuf Maxamud Siciid
46. Warsame Nuur Maxamed
47. Yaxye Cumar Siciid Sharmaarke
48. Cismaan Sicii
49. Cismaan Saalax Maxamed
50. C/risaaq Maxamuud Siciid

Liiska ka qaybqaatayaasha Jaaliyadaha dibadda
1. Jaaliyadda UK: Siyaasi Aadan Maxamed Cali
2. Jaaliyadda Canada:
a. Proff Maxamud Maxamed Muse
b. Proff: Maxamed Saalax Cabdalla (Caqli beeso)

3. Jaaliyadda Yemen:

a. Sh Jamac Caynab Siciid (Jaamac Gaas)
b. Maxamud Ibraahim Muse Sagaaro(Afka Ganacsatada Yemen)
4. Jaaliyadda Swezerland: Proff Maxamed Xareed Cali
5. Jaaliyadda Holand: Proff Maxamed Alore
6. Hargeysa: Siyaasi C/raxmaan Maxamed Bangax

7. Muqdisho:
a. Cumar Salaad C/raxmaan
b. Maxamed Maxamuud Daldal
c. Maxamud Axmed Cisman
d. Xuseen Salaad C/raxmaan

Nabadoonada
1. Nabadoon: C/laahi Caynab Muuse
2. Nabadoon: Axmed Salaad C/raxmaan

Martisharaf kor u dhaafaysa 50 qof

Xubnaha guddiga qabanqaabada shirka

1. Proff: Maxamed Muumin Yuusuf
2. Sh. Maxamud Maxamed Bulxan
3. Sh. Xuseen Cumar Siciid
4. Ex. Xil: Maxamed Maxamud Saalax (Abubaraa)
5. Samafale: Cumar Cismaan Siciid
6. Gan: Ducaale Siciid Maxamuud
7. Ustaad : Xareed Saalax Yuusuf
8. Eng : Ali Said Omar


















Developed by Jago Desain