XILDHIBAANNO KA TIRSAN BAARLAMANKA PUNTLAND OO GUDBIYAY MOOSHIN XILKA QAADIS AH

XILDHIBAANNO KA TIRSAN BAARLAMANKA PUNTLAND OO GUDBIYAY MOOSHIN XILKA QAADIS AH

Golaha wakiilada Puntland oo cuskanaya qodob kamid ah Dastuurka dowladda Puntland iyo xeer-hoosaadka Baarlamanka, ayaa mooshin xilka qaadis ah ka gudbiyay, xubnaha maxkamadda sare ee Puntland oo ay ku eedeeyeen caddaalad-darro iyo musuq maasuq baahsan.

Mudanayaasha ayaa sheegay in xubnaha guddiga maxkamadda sare ee Puntland ay dulmi iyo caddaalad-darro baahsan kula kacaan bulshada ay u qabtaan adeegyada garsoorka islamarkaana ay musuq maasuq ku sameeyaan hawlihii garsoorka ee loo xil-saaray.

Xildhibaananda mooshinka gudbiyay ayaa Golaha wakiilada Puntland ka dalbaday in ay xasaanadda ka qaadan xubnaha maxkamadda sare ee Puntland maadaama sida ay sheegeen xubnuhu ay gabeen shaqadii loo igmaday.

Xubnaha maxkamadda sare ee dowladda Puntland waxay ka kooban yihiin 5 xubnood oo kala ah guddoomiyaha guddoomiye ku xigeenka iyo saddex garsoore waxayna ku shaqeeyaan go’aan wadareed iyadoo mudada xil-hayntoodu tahay 5 sannadood.

Sida uu qabo qodobka 90-aad ee Dastuurka dowladda Puntland xubnaha maxkamadda sare waxaa xilka qaadis ku samayn kara Golaha wakiilada iygoo maraya aqlabiyad hal-dheeriya(1/2+1).

Mooshinkan ayaa ku soo beegmay xilli aan weli la magacaabin guddooomiyaha maxkamadda sare kadib markii uu geeriyooday guddoomiyihii hore Yuusuf Xaaji Nuur


Halkan ka akhriso


Developed by Jago Desain