Baargaal: Daawo Banaanbax Looga Soo Horjeedo Xukun Ay ku Riday Maxkamad dhalinyaro

Baargaal: Banaanbax Looga Soo Horjeedo Xukun Ay Riday Maxkamad dhalinyaro arday ahaa


Qaar ka mid ah Shacabka Degmada Baargaal  ee Gobolka Gardafuu  Puntland ayaa waxaa ay ilaa shalay ilaa Maanta dhigayeen banaanbaxyo cabasho ah ay uga soo horjeedaan xukun dil toogasho ah iyo xabsi 20 sano ah oo Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland dhaliyaro yaryar ah oo aan aan wax cadayn kaafi ah lagu hayn lagu xakumay .

Shacabka ayaa sheegay in dhalinyarada la xukumay xukunkoodu yahay mid xaqdaro ah, oo isla markaana Madaxda Puntland aysan u cadaalad falin Shacabka degan deegaannada kala duwan ee Puntland.

Qaar ka mid ah dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxaa ay sheegeen in uu sharci darro yahay xukunka lagu riday dhalinyaradaas,waxaana ay ka dalbadeen madaxwaynaha Puntland , Ku xigeenkiisa  , iyo golaha wasiirada iyo maxkamada sare  inay dib uga noqdaan xukunadaas oo ay sheegeen in ay yihiin kuwo cadaada ka fog

Banaanbaxaayasha ayaa wadooyinka  magaalada Baargaal  socdaal ku dhexmaray ayagoo ku dhawaaqayay oraahyo ay ku muujinaayaan sida ay uga xun yihiin xukunadaasi xaqdarada ah ee lagu xukumay dhalinyaro yaryar ah 












Developed by Jago Desain