Bosaaso: Ciidamada amniga oo fashilay qarax lagu aasay waddada bartamaha

Bosaaso: Ciidamada amniga oo fashilay qarax lagu aasay waddada bartamaha

Hawlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa ay ku soo saareen qaraxyo miino oo lagu aasay bartamaha Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa sheegayaan in Miinadaas ay cadawga Puntland doonayeen inay ku dhibateeyaan Shacabka, hayeeshee ay fashiliyeen, isla markaana ay kasoo saareen goobtii lagu Aasay.

Waxaa uu sheegay taliyaha in hawlgalada laga fulinayo gudaha Magaalada Boosaaso ay noqon doonaan kuwa isdaba-joog ah illaa laga xaqiijinayo Amniga Guud ee magalada Boosaaso oo bilihii u dambeysay ahaa mid aan wanaagsaneyn.

Howlgalka ay si wadajirka ah Ciidamada Booliska iyo kuwa PSF-ta Puntland ay uga fuliyeen Magalada Boosaaso ugana soo saareen Miinooyinka ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyo is xiga xiga ay ka dhaceen qaraxyo miinooyin ah.

Al Shabaab & Daacish ayaa waxa ay falal lidi ku ah dhanka ammaanka ka gaystaan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Developed by Jago Desain