Cabsi Ka Wajahday Israa’iil Socdaalka Rashiida Iyo Ilhaan Ku Tagayaan Gaza

Haweenka muslimiinta ah ee ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ah ee Mareykanka u matala aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa qorsheynaya in ay booqasho ku tagaan dhulka Falastiniiyiinta gaar ahaan daanta galbeed iyo magaalada Gaza. Ilhaan Cumar iyo Rashiida Tlaib ayaa safarkaan oga gol leh sidii ay ku ogaan lahaayeen xaalada nololeed ee shacabka Falastiin iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan ciidanka amniga Israel, si ay usoo Bandhigaan. Hablahaan ayaa inta ay ku guda jiraan socdaalkooda waxay la kulmi doonaan hogaanka Falastiin si ay uga dhageestaan xaaladahii ugu danbeeyay iyo dhibaatada ka taagan bariga Dhexe. Arintaan ayaa waxaa walaac ka muujiyay dowlada Israel waxaana ay qorsheyneysaa in ka hor istaagto haweenkaan ka tirsan aqalka Congress-ka in ay gudaha u galaan magaalada Gaza. Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay soomaali iyo Rashiida Tlaib oo Falastiini ah ayaa marar badan dhaleecayay tacadiyada ciidanka amniga Israel ay ku hayaan shacabka Falastiin.

Haweenka muslimiinta ah ee ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ah ee Mareykanka u matala aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa qorsheynaya in ay booqasho ku tagaan dhulka Falastiniiyiinta gaar ahaan daanta galbeed iyo magaalada Gaza.
Ilhaan Cumar iyo Rashiida Tlaib ayaa safarkaan oga gol leh sidii ay ku ogaan lahaayeen xaalada nololeed ee shacabka Falastiin iyo dhibaatooyinka ay kala kulmaan ciidanka amniga Israel, si ay usoo Bandhigaan.

Hablahaan ayaa inta ay ku guda jiraan socdaalkooda waxay la kulmi doonaan hogaanka Falastiin si ay uga dhageestaan xaaladahii ugu danbeeyay iyo dhibaatada ka taagan bariga Dhexe.
Arintaan ayaa waxaa walaac ka muujiyay dowlada Israel waxaana ay qorsheyneysaa in ka hor istaagto haweenkaan ka tirsan aqalka Congress-ka in ay gudaha u galaan magaalada Gaza.
Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay soomaali iyo Rashiida Tlaib oo Falastiini ah ayaa marar badan dhaleecayay tacadiyada ciidanka amniga Israel ay ku hayaan shacabka Falastiin.
Developed by Jago Desain