Deg deg: Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Jubbaland oo dib loo doortay

https://1.bp.blogspot.com/-v6n36wkesCY/VX-XP3R0KOI/AAAAAAAAJ7c/eifoJ9LjdVA3OiyTsO59GNQNJboYZZeHgCPcB/s640/8-751757.jpg

baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland loo doortay Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, kadib doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.


Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa xilkan kula tartamay musharraxa kale ee Xuseen Shiinow Cali oo uu ugu dambeyn ka guuleystay.

Sheekh Cabdi ayaa helay 55 cod, halka musharrax Shiinow uu helay 18 Cod, sida uu ku dhawaaqay guddoonka doorashada Jubbaland.

Guddoomiyaha la doortay oo ay xulafo dhow yihiin Axmed Madoobe ayaa afarta sano ee socota hoggaamin doono baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale goor dhow ayaa waxaa la guda geli doonaa doorashada ku xigeenada koowaad iyo labaad ee baarlamaanka maamulkaasi.
Developed by Jago Desain