Dhaqaalaha Dunida Oo Wajahaya Cabsi Hoos U Dhac Ah

Dhaqaalaha Dunida Oo Wajahaya Cabsi Hoos U Dhac Ah

Suuqyada saamiyada Japan ayaa hoos u dhacay maanta,


hase yeeshee uma xumeyn sida hoos u dhacii xoogganaa ee maalin ka hor asiibay suuqyada saamiyada Mareykanka, taasi oo sare u qaaday cabsida laga qabo burbur kusoo socda dhaqaalaha adduunka.


Suuqa Nikkei ee Tokyo ayaa maanta kusoo xirmay hoos u dhac 1.2% ah, halka suuqyada kale ee Asia sida kan Shiinaha ee Shanghai Composite Index iyo kan Hong Kong ee Hang Seng ay kusoo xirmeen isla ekaan.

Iibsiga saasmiyada ee ka hor inta aysan maanta furmin suuqyada Mareykanka ayaa muujinayey astaan koror ah, iyo kasoo kabashada hoos u dhicii xoogganaa ee arbacada, markaasi oo saddexda suuq ee Dow Jones, Standard and Poors 500 iyo Nasdaq ay dhammaantood hoos u dhaceen 3%.

Suuqyada waa weyn ee Yurub ayaa sidoo kale si xun hoos ugu dhacay arbacadii.

Fallanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa sheegay in xogta dhaqaalaha Shiinaha iyo Jarmalka oo muujiyey dabacsanaan ay bixiyeen astaamaha hoos u dhac kusoo socda dhaqaalaha caalamka.

VOA
Developed by Jago Desain