"Dumarka cayilan culays ayay ku hayaan qoysaskooda iyo dawladda"

"Dumarka cayilan culays ayay ku hayaan qoysaskooda iyo dawladda"

oo ah saxafiyad ka hawlgasha telefishin Masar ku yaalla ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii ay hadal muran dhaliyay ka sheegtay cayilka siyaadada ah.
Waaxda maamusha warbaahinta Masar ayaa sheegtay in Reham ay isticmaashay erayo si cad xad gudub ugu ah dumarka Masar.
Reham ayaa intii ay barnaamijkeeda wadday tiri dadka aadka u buurbuuran "caqabad ayay ku yihiin qoysaskooda iyo xukuumadaba".
Hadalkeedaas ayay difaacday iyada oo qoraal soo dhigtay Instagram.
  • Nin qabrigii lagu aasi lahaa fiirsanayay 19 sano
  • FaceApp : Sideed u ekaan kartaa 60 sanno kadib?
  • Amiirad Sacuudi ah oo loo maxkamadeynayo inay amartay "garaacidda qof u shaqeynayey"
Hadalkeeda ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Masar Cabdul Fatax Al-Sisi uu dadka Masaarida ah ugu baaqay in ay hilibka dhimaan, ayna naftooda ka dadaalaan.
Intii uu socday barnaamijka ay daadihiso gabadhaasi ee la dhoho Sabaya oo ka baxa telefeshinka al-Hayah TV ayay tiri dumarka tirada badan ee aadka u cayilan waxay lumiyaan dumarnimadkooda iyo farxaddooda"sababtuna waa sunta jirkooda ku jirta".
Waxay intaas ku sii dartay raggu kama helaan dumarka buurbuuran inta badanna way ka tagaan xaasaskooda aadka u cayilan ama waxay ka laabtaan gabdhihii u doonanaa.
Hadalkeedaas ayaa aad looga dhaleeceeyay baraha bulshada.
Reham ayaa sheegtay in baraha bulshada lagu bartilmaameedsaday, Twitterkeeda ayayna ku xaqiijisay in ay ka fariisanayso shaqada.
"Waan daalay, sababtoo ah mar kaste oo qof rabo in uu hoos kuu dhigo ol'ole dhanka warbaahinta ah ayuu kugu qaadi, sheekooyin been abuur ah ayuuna dadka u sheegi. 200, ama 300 ama 400 ama 500,000 oo ruux oo baraha bulshada isticmaala oo aadan aqoon ayay gacanta ugali halka aad ku dambayn doonto mustaqbalka.
"Arrintaas waan ka daalay, waxaana la gaaray wakhtigii aan carruurtayda u jeedsan lahaa". Ayay tiri.
Reham ayaa intaas ku sii dartay in 12-kii sano ee la soo dhaafay ay wax badan u qabatay dadka aadka u cayilan.
Ma aha markii koobaad ee saxafiyadan ay tiraahdo hadal muran dhaliyay.
Mar ay booqatay qaxooti Suuriyaan ah ayay ku tilmaantay dad ixtiraam daran, mar kalana barnaamijkeeda ayay ka saartay qof aan wax diin ah haysan inkastoo qofkaas loo casuumay si looga waraysto diin la'aantiisa.
Developed by Jago Desain