Jaajuuskii Mareykanka ahaa ee bixiyay sirta nuclear-ka ee waliba baxsaday

Jaajuuskii Mareykanka ahaa ee bixiyay sirta nuclear-ka ee waliba baxsaday


29-kii bishii Agoosto ee sanadkii 1949-kii, Ruushka wuxuu noqday “waddankii labaad ee heysta hubka nuclear-ka”, xilligaas oo uu midowgii soviet qarxiyay bambadii ugu horreysay uu ku tijaabinayay hubkiisa nuclear-ka.
Tijaabadaas ayaa lama filaan ku noqotay waddamada reer galbeedka – sida ku xusan xog ay hayaan CIA-da Mareykanka.
Sababtoo ah, Khubarada Mareykanka waxay markaas u maleynayeen in Ruushka uusan awood u yeelan karin soo saarista nuclear-ka ilaa laga gaaro sanadka 1953-kii.
Balse arrinta la yaabka leh waxay ahayd in seynisyahan u dhashay Mareykanka, oo lagu magacaabi jiray Theodore Hall, uu ahaa qofkii xukuumadda Moscow ka caawiyay inay nuclear u sameysato si fudud, isagoo u gudbiyay macluumaad xasaasi ah.
Waa run in Theodore Hall uusan ahayn muwaadinka kaliya ee Mareykanka ee cadowga siiyay sirta hubka nuclear-ka, laakiin waxa sheekadiisa khaaska ka dhigaya waa in uu noqday qofka kaliya ee sidaas sameeyay haddana baxsaday.
Marka waxaan eegeynaa sida uu seynisyahanka ku dhashay magaalada New York ku noqday Jaajuuska.
Wax si iskiis ah u dhacay ma ahayn in Bambadii nuclear-ka ee ay Ruushka tijaabiyeen ay noqotay mid leh awoodda ay lahayd bambadii lagu magacaabay ‘ninka buuran’ ee uu Mareykanka ku qarxiyay magaalada Nagasaki ee dalka Japan, taariikhdu markii ay ahayd 9-kii bishii Agoosto ee sanadkii 1945-kii.
Hase yeeshee xog aad u culus oo ku saabsan sida Bambadaas loo sameeyay ayaa loo gudbiyay midowgii soviet, waxaana macluumaadkaas bixiyay nin ka tirsanaa dadkii ka qeyb galay mashruucii lagu farsameeyay nuclear-kii ugu horreeyay adduunka ee uu Mareykanku soo saaray.
Bambadaas sameynteeda waxaa Mareykanka gacan ku siinayay dalalka Ingiriiska iyo Canada.
Sir Culus
Mashruucaas wuxuu ahaa mid sirtiisu ay aad u culus tahay. Sida laga soo xigtay warbixin uu sanadkii 1945-kii daabacay wargeyska Life magazine, “rag aad u tiro yar oo tobannaan ruux ah ayaa ogaa micnaha mashruucaas uu ku saabsan yahay”.
Mid ka mid ah raggaasna wuxuu ahaa Theodore Hall.
Wuxuu dhashay 20-kii bishii Oktober ee sanadkii 1925-kii.Ninkan oo ahaa wiil ay dhaleen hooyo guri joog ah iyo aabe ganacsade ah wuxuu ku koray xilli ay xaalad adag ku jireen dadka caadiga ah ee Mareykanka.
Laakiin arrintaas kama aysan hor istaagin Hall inuu adeegsado maskaxdiisa fahmada badan, wuxuuna heer sare ka gaaray maaddooyinka xisaabta iyo physics-ka.
Isagoo aad u da’ yar, oo 16 jir ah ayuu boos ka helay Harvard, wuxuuna ka qalin jabiyay sanadkii 1944-kii.
Fahmo badnidiisa iyo aqoontiisa dhinaca seynisya ma aysan seegin saraakiisha Mareykanka, waxayna ku dareen dad ay u kaxeynayeen xarunta uu ka socday barnaamijkooda sameynta hubka nuclear-ka.
Horaantii sanadkii 1943-kii, Theodore Hall waxaa imtixaan looga qaaday mashruuc ay sirtiisu aadka u cusleyd oo ka socday xarun ku taalla magaalada Los Alamos.
Shuucigii qolka la dagganaa
Hase yeeshee, arrinta aysan saraakiisha Mareykanku ka war qabin waxay ahayd in seynisyahankan da’da yar ay horayba u shaqaaleysiisteen qolyo kale.
Hall wuxuu xubin ka ahaa ururka arrimaha siyaasadda ee ardayda jaamacadda Harvard, qolkii uu seexan jirayna waxaa la dagganaa arday ay isku fasal ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Saville Sax.
Sax wuxuu ahaa wiil ay dhaleen dadkii Ruushka ahaa ee qaxootinimada ku tagay Mareykanka, wuxuuna ahaa Shuuci sidoo kale ku dhashay, kuna barbaaray magaalada New York.
Haddaba, Sax qudhiisa ayuu ahaa qofkii Midowga Soviet u shaqaaleysiiyay Theodore Hall, wuxuuna qaaday xogta ku saabsan barnaamijka nuclear-ka ee uu usoo gudbin jiray.
Bishii Disember ee sanadkii 1944-kii, seynisyahanka da’da yar ee reer Mareykan, Hall, oo garab ka helaya saaxiibkii ay horay qolka iskula dagganaan jireen ayaa gudbiyay wax loo aqoonsaday sirtii ugu horreysay ee nuclear-ka ee laga bixiyay xaruntii ku taallay magaalada Los Alamos.
Waxa uu markaas bixiyay wuxuu ahaa horumar laga gaaray habka loo farsameynayo hubkaas sida ba’an wax u gumaada.
“Intii lagu guda jiray sanadkii 1944-kii, waxaan ka walwalay khatarta ka dhalan karta in Mareykanku uu noqdo waddanka kaliya ee heysta nuclear, iyo waxa ay Washington sameyn karto haddii uu qalalaase dhici lahaa kadib dagaalkii labaad ee adduunka”, Theodore Hall ayaa sidaas ku yiri maqaal uu daabacay wargeyska New York Times, sanadkii 1997-kii, xilligaas oo ahayd 2 sano ka hor intii uusan u dhimanin cudurka Kansarka.
‘Ninka da’da yar’
Hall wuxuu ku dooday in Ruushka oo nuclear helay ay xakameysay isticmaalka hubkaas.
“Midowgii Soviet xilligaas ma ahayn cadow, balse wuxuu xulafo la ahaa Mareykanka”, ayuu yiri Hall, wuxuuna intaas ku daray: “Dadkii ka socday Soviet-ka waxay si geesinimo leh ula dagaallameen maamulkii Naaziga, khasaare nafeed oo aad u weyn ayaana kasoo gaaray, geesinimadii ay sameeyeenna waxaaba suurtagal ah inay guul darro ka badbaadisay reer galbeedka”.
Hall waxay Soviet-kii Ruushka u yaqaanneen “Ninka da’da yar”, wuxuuna macluumaad kale oo dheeraad ah kasiin jiray tiknoolojiyad kasta oo laga gaaro farsamada nuclear-ka, gaar ahaan hubka ay ku jirto maaddada khatarta badan dhalisa ee loo yaqaanno plutonium-ka.
Bambadii uu Mareykanku ku dhuftay magaalada Nagasaki ee dalka Japan waxay ka sameysneyd maaddada plutonium-ka, waxayna ka duwaneyd Bambadii lagu dhuftay magaalada Hiroshima, taasoo ka sameysneyd maaddada uranium-ta.
Howlgalkii lagu raadinayay qofka sirta bixiyay
Sanadkii 1950-kii, Theodore Hall oo shahaadadiisa PhD-da ka diyaarinaya jaamacadda Chicago ayey albaabka usoo garaaceen ciidamada FBI-da Mareykanka.
Farriin qoraaleed loo qoray qaab sir ama sarbeed ah oo la helay ayaa lagu ogaaday inuu la shaqeeyo Moscow.
Sanadkaas kii ka horreeyay waxaa la xiray seynisyahan kale oo Jarmal ah oo ka howl galayay xarunta Los Alamos, wuxuuna qirtay inuu sirta nuclear-ka Maryekanka u gudbiyay cadowga.
Hase ahaatee, FBI-du ma aysan u suurta galin inay Theodore Hall ka dhaadhiciyaan inuu wax qirto, sidoo kalena Saville Sax, ayaa su’aalo la weydiiyay, waxna ma uusan sheegin.
Safarkiisii Britain
Ma jirin Seynisyahan kale oo ay magacaabeen labada jaajuus ee la qabtay. baaritaannadii lagu sameeyayna wax astaan ah ma aysan muujinin – waayo Hall aad uga uusan shaqeyn jirin wixii ka dambeeyay howlgalkii mashruuca Manhattan ee lagu sameeyay hubkii ugu horreeyay ee nuclear-ka.
Ugu dambeyntii, Hall wuu baxsaday, wuuna ka duwanaa eedeysaneyaashii kale oo xabsi qaatay ama kuwii loo daldalay dambiyo ku saabsan jaajuusnimo.
Laakiin wali Hall iyo xaaskiisa way u baqayeen amnigooda.
Sanadkii 1962-kii, waxaa shaqo laga siiyay Jaamacada Cambridge ee waddanka Ingiriiska, isaga iyo xaaskiisana waxay u guureen UK.
Theodore Hall wuxuu howlgab noqday sanadkii 1984-kii, waxaana la geeyay meel ay isaga iyo qoyskiisa kaliya ku noolaayeen.
Laakiin sanadkii 1996-kii, waxaa soo baxday sirtii u qarsanaan jirtay waligiis. dadkii Ruushka ahaa ee wax ka ogaa taariikhdiisa ayaa bannaanka soo dhigay sheekada ku saabsan inuu ka dambeeyay qorshihii ay Soviet-ka ku heleen macluumaadka ku saabsan sameynta nuclear-ka.
Nasiib wanaagiisa, xilligaas ma nooleyn qof markhaati ka noqon karay falkii uu sameeyay. xitaa nikii saaxiibkiis ahaa ee lagu magacaabi jiray Savile Sax, horay ayuu u geeriyooday.
Ugu dambeyn bannaanka ayuu wax walba soo dhigay
”Waxaa la igu eedeeyay inaan baddalay jidkii ay ku socotay taariikhda”, ayuu yiri Hall, sida uu tabiyay wargeyska New York Times.
“Laga yaabee inaan baddalay jihadii ay u socotay taariikhda, jihadaas oo haddii aanan baddalin sababi lahayd in dagaal loo adeegsado hubka atomic-ga uu dhaco intii lagu guda jiray 50-kii sano ee lasoo dhaafay – tusaale ahaan Bambada nuclear-ka waxaa lagu dhufan lahaa Shiinaha sanadkii 1949-kii ama horaantii 1950-meeyadii.
“Hagaag, haddii aan gacan ka geystay inaysan arrintaas dhicin, waan aqbalayaa dacwadda”, ayuu yiri, isagoo si toos ah u caddeeyay inuu jaajuus u ahaa Ruushka, uuna siiyay xogta muhiimka ah.
Ma jirin weerarro loo adeegsaday nuclear oo dhacay wixii ka dmabeeyay kuwii laga geystay magaalooyinka Hiroshima iyo Nagasaki 74 sano kahor.
Theodore Hall wuxuu qabriga galay isagoo aaminsan inuu arrintaas sabab u yahay.
Xigasho BBC
Developed by Jago Desain