Kalluumeysatadii Thailand ee ku Xayirnaa Xeebta Bosaaso oo isbuuca soo socda dib loogu soo celin doono dalkooda


Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Thailand, Busadee Santipitaks ayaa sheegay inay Kalluumeystadaasi oo tiradoodu dhan tahay 50 qof isbuuca soo socda dib loogu soo celin doono dalkooda hooyo, isla markaana loo diyaariyey Tikidhada Diyaaradii ay soo raaci lahaayeen.

Afhayeenka waxa uu tilmamaay inay Maamulayaasha Soomaalida si wanaagsan uga soo jawaab celiyeen Codsi ay Safaaradda Thailand ee magaalladda Nairobi ku dalbatay in laga taageero sidii Kalluumeysatadaasi loogu fududeyn lahaa Socdaalkooda.



Waxa uu xusay inay Maamul-gobaleedka Puntland xaqiijiyeen Ambabaxa Kalluumeysatadaasi, loona fududeynayo wixii Tas-hiilaad si ay ugu soo laabtaan dalkodoa hooyo.
Afhayeenka waxa kale oo uu tilmaamay inay Kalluumeysatadaasi ku xayiran yihiin doonida Kalluumeysiga ee Waddani 1 oo taagan meel ka baxsan Xeebta magaalladda Bosaaso, isla markaana ay gabaabsiga ka tahay Cuntadii iyo Biyaha la cabo ee u saarnaa Doonidaas.


Kalluumeysatadaasi oo tiradoodu dhan 50 Shaqaale ayaa waxay hadal-hayntooda figta sare kaga jireen Wararka Caalamka, kadib,, markii mid ka mid ah Kalluumeysatadaasi oo saaran Doonida Waddani 1 uu Wicitaan Muuqaal leh ku sheegay inay xaallad khatar ah ku jiraan, isla markaana aysan wax mushaar ah qaadanin muddo 8 bilood ah
Developed by Jago Desain