Kenya Oo Eedymo Culus U Jeedisay Dawladaha Somaliya Iyo Jabuuti.

Kenya Oo Eedymo Culus U Jeedisay Dawladaha Somaliya Iyo Jabuuti.

Dowladda Kenya ayaa goob fagaare ah weerar afka ah ku qaaday dowladdaha Soomaaliya,iyo Jabuuti iyada oo ku eedeeysay inay meel uga dhaceen dhaqanada soo jireenka ahaa ee qaarada Africa.
Keyna ayaa ku eedeysay Soomaaliya in ka dambeyso go’aanka ay Jabuuti uga hortimid codeyntii Midowga Afrika ee kursiga Qaramada Midoobay, iyadoo sheegtay in go’aanka Jabuuti uu meel ka dhac ku yahay dhaqanka guud ahaan qaaradda Afrika.
Sidoo kale waxay tilmaamtay in dalalka saldhigyada ku leh dalkaasi Jabuuti ay gadaal ka riixayaan inay u tartanto xubinimada aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka, iyadoo garab ka helaysay dawlada Fadaraalka Somaliya.
Dhowaan ayey aheyd markii danjiraha Jabuuti ee Qaramada Midoobay, Maxamed Siciid Ducaale uu sheegay in aysan ku qancin codeyntii Midowga Afrika.
Danjiraha ayaa tilmaamay inay Jabuuti u tartami doonto kursigaas marka la gaaro bisha June ee sanadka soo socda.
Kenya ayaa dadaal badan ku bixineysa helida kursigan, si ay maxkamadda ICJ uga baajiso dooda ay ku dooneyso biyaha Soomaaliya.
Developed by Jago Desain