Madaxweyne ku-xigeenka #Puntland oo ka digey in la khasaariyo tallaalka #xoolaha Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka digey in la khasaariyo tallaalka xoolaha Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daahfuray olole lagu tallaalayo in ka badan 3 Million oo kamid ah xoolaha Puntland.

Wasiir wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha dowladdda Puntland Siciid Cismaan Aadan oo wasaaraddiisu fulinayso ololahaan ayaa takhaatiirta kula dardaarmay inay dulqaad u yeeshaan shaqada ay hayaan latallina siiyaan dadka reer guuraaga ah.

Ugu dambayntiina madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan oo daahfuray tallaalka ayaa dalbaday in meesha ay leedahay lamariyo dawadaan dhaqaalaha badan ku fadhida isagoona sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii si qaldan u khasaarisa dawooyinka.
Developed by Jago Desain