Maxaa ka jira in hub lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Qardho


Ciidamada booliska ee magaalada Qardho ayaa subaxnimadii shalay ku qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Qardho 17- kartoon oo ay ku jiraan dharka ciidamada ee Tuutaha.

Mid ka mid ah saraakiisha amniga ayaa u sheegay radio Daljir in dharkan lagu soo qariyay qaadka laga keeno dalka Kenya ee laga dajiyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Qardho, waxaana loo ekaysiiyay qaadka.

Balse ciidamada oo baaritaan ay sameeyeen kadib ku ogaaday inay yihiin dhar ciidan ayaa la wareegay, waxaana diyaaradda lagu siidaayay qaab damaanad ah, iyadoona laga qaaday ganaax lacageed oo dhan laba kun oo doolar.

Ilaa iyo hadda lama oga jihada uu kusocday dharkan ciidmada, balse waxaa wali socda baaritaano.
Developed by Jago Desain