Maxaad ka taqaan Guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland ee la magacaabay, Gobalada ay kasoo jeedaan?

Warsangali

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta soo dhameystiran xubnaha guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland, waxaana kasoo dhexmuuqday xubno kala duwan oo ay ku jiraan dad noocyo kala duwan, waxaana eegaynaa beelaha ama gobalada ay kasoo jeedaan iyo shaqsiyadooda waxa laga yaqaano.

Guddiga oo ka kooban 9 xubnood, waxay ujeedada loo asaasay tahay ka shaqeynta doorashooyin qof iyo cod ah in laga hirgaliyo Puntland, waxaana waajibadkoodu yahay oo kaliya qabashada doorashada golayaasha degmooyinka.

Madaxweynaha Puntland ayaa shan xubnood soo magacaabay, afarna waxaa soo sharaxay Gudoomiyaha baarlamaanka, waxaana isku wareegto rasmi ah ku soo saaray maanta Siciid Cabdullaahi Deni.

1-Cabdinuur Sh Isxaaq, waa wariye hore oo howlgabka noqday dhawaan Laanta Afka Soomaaliga ee BBCSOMALI, Waa qabiir saxaafadeed oo hadal-yaqaan ah, laakiin dhawaan dib ugu soo laabtay dalka, wuxuu kasoo jeeda gobalka Mudug, gaar ahaana Beesha Cumar Maxamuud.

2- Sahro Jaamac Saalax, waa qoraa sannadyadii u dambeeyey ku sugneyd gudaha Puntland, kuna howlanayd sidii ay Haweenku u heli lahaayeen qoondada ku leeyihiin Hanaanka siyaasiga ah, waxay ka soo jeeda gobalka Barri, gaar ahaana Beesha Dashiishe.

3- Cali Jaamac Faarax, wuxuu horey u soo noqday xildhibaan katirsan baarlamaanka Puntland, marar badan ayuu kasoo muuqday warbaahinta isagoo arrimo kala gedisan ka hadlaya, waana mid kamid ah saaxiibada kooxaha siyaasiga ah ee ka jira Puntland, wuxuu kasoo jeeda gobalka Sool, gaar ahaana Beesha Dhulbahante.

4- Cabdullaahi Faarax Mire wuxuu horey uga soo shaqeeyey arrimaha bulshada, gaar ahaana Hay’adda Taddamun, oo asaaskeedii lahaa Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, sidaas oo kale Cabdullaahi waa mid kamid ah xubnihii ole-olaha doorashada ee Madaxweynaha, wuxuu kasoo jeedaa gobalka Karkaar, gaar ahaana Beesha Cismaan Maxamuud.

5- Cabdullaahi Cabdi Ducaale, waa xubin aqoonyahan ah, mudooyinkii u dambeeyey kusugnaa gudaha dalka, wuxuuna kasoo jeedaa gobalka Sool, gaar ahaana Beesha Dhulbahante.

6- Guuleed Saalax Barre, wuxuu sannadkii 2014-kii soo noqday Wasiirka deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska ee Puntland, haddana waa maamulaha Machad SIDRA oo ah Machad Cilmi baariseed, sidaas oo kale waa mid kamid ah saaxiibada dhaw ee Madaxweynaha Puntland, wuxuu kasoo jeedaa gobalka Nugaal, gaar ahaana Beesha Ciise Maxamuud.

7- Jaamac Xirsi Faarax, wuxuu horey u soo noqday wasiir katirsanaa Xukuumadddii Jeneraal Cadde Muuse, Gudoomiye kuxigeen ayuu ka noqday Hay’adda Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo musuqmaasuq awgiis ay u kala direen baarlamaankii hore sannadkii 2018-kii, wuxuu kasoo jeeda gobalka Sanaag, gaar ahaana Beesha Warsangali.

8- Xafso Salaad Maxamed, waa gabar dhalinyarro ah mana jirto xog dheeraad ah oo aan ka helnay, waxay ka soo jeedaa gobalka Mudug, gaar ahaana Beesha Leelkase.

9- Cabdirisaaq Axmed Siciid, isna sidaas oo kale kama aanan helin macluumaad dheeraad ah, marka laga reebo in uu kamid yahay aqoonyahanada Puntland, wuxuuna ka soo jeedaa gobalka Sanaag, gaar ahaana Beesha Warsangali.
Developed by Jago Desain