Maxkamadda ugu sarraysa Puntland oo saaka dhegaysanaysa Kiiskii Caa’isha Ilyaas


Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland ayaa Saaka oo Sabtiya dhegaysan doonta gar-maqalka saddex xukmane oo ku eedaysan kiiskii kufsiga iyo dilka ahaa ee magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yarayd ee Caa’isha Ilyaas Aadan.S

addexda xukmane oo kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa hore Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Nugaal waxay 12-May ee sannadkan ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii ay sheegtay in lagu helay kiiska.

Sidoo kale Rafcaan ay u qaateen kadib ayaa Maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal waxay 30-June ee sannadkan mar kale ku xukuntay dil toogasho ah waxaase ay Rafcaan kale u qaateen Maxkamadda sare ee Puntland oo saaka dhegaysan doonta gar-maqalkooda.
Developed by Jago Desain