Mid ka mid ah Salaadiinta Dhaqanka oo lagu dilay magaalada Kismaayo

Mid ka mid ah Salaadiinta Dhaqanka oo lagu dilay magaalada Kismaayo

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho maqribnimadii caawa loogu geystay magaalada Kismaayo Nabaddoon lagu magacaabi jiray Suldaan Cabdirashiid Muuse Durre.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in Suldaanka uu rasaas u furay qof hubeysan oo aan la garaneynin xili uu ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaada Maqrib.

Dhaawac culus oo ka soo gaaray rasaasta lagu furay ayuu markii danbe ugu geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada kaddib markii dhakhaatiirtu u caalwaayeen wax ka qabashada xaaladiisa.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Jubbada Hoose iyo maamulka Jubbaland, waxaana xusid mudan in magaalada Kismaayo waayadii ugu danbeeyayba aheyd goobaha ay ka dhacaan dilalka lagula kaco odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, iyadoo dhinaca kale dilkan caawa uu imanayo xili Jubbaland ay isku diyaarineyso doorasho xasaasi ah.
Developed by Jago Desain