Musharaxiinta ka Horjeeda Axmed Madoobe Oo Qodobo Xaasaasi ah Hor-dhigay Beesha Caalamka.(Akhriso)

Jubbalad doorasho
Xili magaalada Kismaayo ka socoto waanwaanta ay wadaan xubnaha beesha Caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa kulan ka dhacay xarunt UN-ka ee Garoonka Kismaayo waxaa mowqifkooda ku soo bandhigay Golaha Isbedel Dooonka Mushariixinta Jubbaland.
Qoraal ay soo saareen ayey ku shaaciyeen lix shardi oo ay hordhigeen Wakiilka Q/Midoobay, kadib kulankooda markii uu weydiiyay waxa ugu yar ee ay doonayaan si Doorasahada Jubbalanad ay u noqoto mid la isku raacsan yahay oo xor iyo xaal ku dhacda.
Shuruudaha Musharixiinta ka horjeeda Axmed Madoobe hordhigeen Wakiilada Beesha Caalamka waxaa ka mida;
1- In la joojiyo dhammaan doorashada kala qeybsan, lana heli waqti lagu wadahadlo oo lagu ololeeyo.
2- In la kala diro labada Guddi ee Doorasho.
3- In lagu heshiiyo Guddi Doorasho oo labada dhinac ka yimaada.
4- In la heli Liis la isku waafaqsan yahay oo ah Odayaasha rasmiga ah ee Beelaha Jubbaland.
5- In Odayaasha saxda ah xaq loo siiyo inay soo xushaan xildhibaannada beelahooda ayna kursi kasta u soo xulaan hal xildhibaan.
6- In Doorashada Madaxweynaha ay qabtaan Guddi uu Baarlamaanka cusub dhiso ee aanu noqon mid uu hoggaamiyo Guddi doorasho.
Hoos ka akhriso qoraalka oo English ah


Developed by Jago Desain