Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen oo Puntland ku soo wareejiyay nin ku eedaysan dilkii ganacsade Dirir Gufure

Safiirka Soomaaliya ee dalka Yemen oo Puntland ku soo wareejiyay nin ku eedaysan dilkii ganacsade Dirir Gufure

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya waddanka Yemen Cabdullaahi Xaashi Shuuriye, ayaa xalay saqdii dhexe dekedda magaalada Boosaaso ka soo dejiyay nin lagu magacaabo Maxamed Cabdullaahi oo ku eedaysan dilkii ganacsade Dirir Cabdi Gufure oo 20-July-2019 lagu dilay magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar.

Qoyska dhalay eedaysanaha oo kaashanayaa safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Yemen, ayaa ku guulaystay in ay ninkaasi ka soo qabtaan gudaha dalka Yemen kadib mudda bil ah oo la raadinayey, waxaana ay xalay ku soo wareejiyeen dowladda Puntland.

Safiirka iyo odoyaasha waxaa eedaysanaha kala wareegay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo ay kamid yihiin Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Axmed Kunle, guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), taliyaha Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud iyo sarakiil kale.

Sidoo kale, safiirka ayaa waday in ka badan 30 qof oo Qaxooti Soomaaliyeed ah oo ka soo laabtay dalka Yemen. Qaxootigan oo ku dhibaataysnaa gudaha waddanka Yemen, ayaa safaaradda Soomaaliya ee ku taalla Yemen, waxay u fududaysay in ay dib ugu soo noqdan dalka kadib mudda ay halkaasi ku xayirnaayeen.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa safiirka uga mahadceliyay, sida uu gacanta uga gaystay soo qabashada ninka ku eedaysan dilkii ganacsade Dirir Cabdi Gufure iyo sidoo kale caawinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo laabtay dalkaasi Yemen.
Developed by Jago Desain