Soomaalida iyo sarifka lacagaha Online-ka Waa Maxaay Adeegga Forex Trade

Soomaalida iyo sarifka lacagaha Online-ka Waa Maxaay Adeegga Forex Trade

Soomaali fara badan ayaa ku soo badanaya ganacsiga lacagaha qalaad ee online-ka lagu kala sarrifto.

Suuqyadan oo markii hore aanay Soomaalida fikrado badan ka heysan, ayaa hadda waxa jira macallimiin tababara Soomaalida dooneysa inay ka mid noqdaan ganacsigan.
Bilihii lasoo dhaafay waxaa guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan magaalooyinks waawayn kusoo kordhay ganacsi cusub oo lagu magacaabo FOREX Trade afka Soomaaliga ahna lagu yiraahdo Sarrifka lacagaha qalaad ee Internetka,hadaba waa maxay ganacsiga Forex Trade.

Waa maxay Forex?

Foreign Exchange Trade waxaa sidoo kale loo yaqaan Forex ama FX, waa ganacsi caalami ah oo ku saabsan sarrifka lacagaha qalaad ganacsigaan wuxuu maalinkasta kala wareejiya lacag dhan 5.3 Trillion, waa ganacsiga ugu ballaaran xagga dhaqaallaha caalamkoo dhan.

Dadka ku lugta leh ganacsigaan waxey isugu jiraan sharikado heysta ballaayin Dollar iyo shaqsiyaad heysta boqolaal dollar.

Sidee loo bilaabaa FOREX?

Si aad uga mid noqoto shaqsiyaadka iyo sharikadaha ka shaqeysta sarrifka lacagaha caalamka kaliya waxaad u baahantahay inaad heysato Computer ku xiran Internetka isla markaasna aad xisaab ama Accounti ka furato waxa loo yaqaano ‘ FOREX BROKER.

Sidee u shaqeeya FOREX?.

Ganacsigaan waxaa lagu kala badalaa lacagaha qalaad markaad joogto FOREX waxa kaliya ee muhiimadda leh waa inta ay is dheeryihiin lacagaha la isku sarrifayo, Qiimaha wax lagu sarrifayo waxaa ku dhici kara is badal degdeg ah, waxaa suurtagal ah in hal daqiiqo gudihiis uu dhowr jeer isbadalo sidaas darteed 24 ka saac dhowr jeer ayuu is badalaa.

Suuqaan wuxuu shaqeeya isbuuc kasta 5 maalmood oo kaliya guud ahaan, is dheeraanshaha xaddiga lacagaha la isku sarifayaa wuxuu sawir ka bixinayaa fiicnaanshaha dhaqaalaha wadanka lacagtaas iska leh tusaale ahaan kolkii dhaqaalaha reer Yurub uu fiicanyahay waxaa sare u kaceysa lacagtooda ‘Euro’-ga, haddii dhaqaalaha mareykanku uu fiicanyahay Dollarka ayaa sare maraya, sidaas darteed hadba wadankii dhaqaalihiisu fiicanyahay ayey lacagtiisu kor u kaceysaa.

Sidee lacag looga sameeya FOREX?

Ganacsigaan wuxuu leeyahay wax layiraahdo BUY RATE iyo SELL RATE Oo aan Afsoomaali ahaan u adeegsan doono XADDIGA SOO IIBSASHADA iyo XADDIGA ISKA IIBINTA. Hal tusaale aan soo qaadano, 

waxaad go’aansatay in aad 1,000 Euro kusoo iibsato dollar Kasoo qaad markasta oo Dollar lagu IIBSANAYO Euro, xaddiga soo iibsashadu in uu yahay 1.4500. Micnaha 1kii Dollar wuxuu lamid yahay 1.4500 Euro. Sidaas darteed 1,000 Euro ah waa ku gadaneysaa $1,450 Dollar.

Sidaan kusoo aragnay Tusaalaha kor ku xusan 1,000 Euro-ga ah waxaan kusoo iibsannay $1,450, Sidoo kale markii hore waxaan sameynay soo Iibsasho, hadda waxaan iskasii Iibineynaa Euro-gii aan soo iibsanay. Xadiga ISKA IIBINTA ee 1-kii Euro waxaan kasoo qaadeynaa in uu yahay 1. 5500. Sidaas darteed 1,000 Euro wuxuu noqonayaa $1550. Hada waxaan fa’iidnay $100 Dollar. Dhinac kale ee khasaaraha haddaan ka eego, Xaddiga iska sii iibinta wuxuu noqon karaa 1.3500. Haddii aad 1,000 hadda iska sii iibisid waxaad heleysaa $1.350 Dollar, sidaas ayaad $100 ku qasaartay. Marka la joogo ganacsiga FOREX sidaas ayaa loo faa’iida ama loo khasaaraa!

Developed by Jago Desain