TALIYAHA CIIDAMADA AMISOM OO KISMAAYO KULA SHIRSAN MADAXWEYNAHA JUBALAND


Taliyaha guud ee Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Gen. Ticabu Yilma iyo wefdi saraakiil ciidan ah oo uu hoggaaminayo ayaa barqanimadii maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubbland.

Taliyaha iyo wefdigiisa ayaa loo gudbiyay guriga Martida magaalada Kismaayo halkaasi oo ay hadda kula shirsan yihiin madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe waxaana sida la sheegayo ay kulankooda uga wada-hadlayaan arrimaha Amniga iyo doorashada Jubaland.

Sidoo kale Shalay waxaa magaalada Kismaayo gaaray Wakiilka Urur Goboleedka IGAD Maxamed Guyo waxaana uu kulan la qaatay madaxda dowlad goboleedka Jubaland iyo guddiga doorashada maamulka.

Socdaalkan ayaa ku soo beegmay xilli uu jiro khilaaf la xiriira arrimaha doorashada oo u dhexeeya Jubaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya  oo doonaysa inay jubbaland ka dhacdo doorasho madaxbanaan
Developed by Jago Desain