F

Ads Top

Trump Oo Israel kula Taliyay Inay Hor-joogsato Safarka Ilhan Cumar ku Tagayso Qudus.


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo dagaal siyaasadeed kula jira Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka ayaa Israel ka dalbaday inaan la ogolaan qorshe ay damacsan yihiin Ilhaan Cumar iyo gabadha kale ee ka tirsan congress-ka ee Rashida Taib.
Trump ayaa ugu baaqay Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu in uusan qaabilin Ilhaan Cumar iyo Rashida Taib oo qorsheynaya inay bishan booqasho ku tagaan magaalada Qudus ee dhulka reer Falastiin.
Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa shaaciyey in Ilhaan iyo Rashida labaduba ay ka mid yihiin cadowga Israel, sida uu hadalka u dhigay,waxuuna sidoo kale ku eedeeyey in had iyo jeer ay ka shaqeeyaan arrimo ka dhan ah jiritaanka Israel.

Ugu dambeyn Trump ayaa Netanyahu kula taliyey in labadaani xildhibaan laga mamnuuco guud ahaan dhulka Israel.
Dagaalka u dhexeeya Madaxweyne Donald Trump iyo labadan gabdhood oo isku dhinac ah ayaa soo shaac baxay wixii ka dambeeyey doorashadii Mareykanka ee 2016-kii.