Wararkii Ugu Denbeeyay Ee Dorashada Jubaland Iyo Ciidamo xalay Lagu Daadiyey Kismaayo.

Wararkii Ugu Denbeeyay Ee Dorashada Jubaland Iyo Ciidamo Caawa Lagu Daadiyey Kismaayo.

Saraakiisha amniga Maamulka Jubbaland ayaa xslay ciidamo fara badan ku daadiyey Magaalada Kismaayo, iyadoo maalinta oo lhamiis ah lagu wado in halkaas ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha cusub ee Jubbaland.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in meelaha ciidamada la dhigay ay ku jiraan guryo ay degan yihiin musharaxiin ka tirsan kuwa mucaaradsan Axmed Madoobe.

Wararku waxay sheegayaan in maanta magaalada uu si rasmi ah uga hirgelay go’aan xalay kasoo baxay maamulka Jubbaland oo ahaa in la xiro dhamaan goobaha laga soo galo magaalada Kismaayo ee cir, dhul iyo badba.

Saraakiil amniga qaabilsan oo ku sugan magaalada ayaa sheegay in aysan kasoo degin wax diyaarad ah garoonka magaalada tan iyo markii go’aankaas uu kasoo baxay maamulka.

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka goobaha laga soo galo magaalada Kismaayo, waxaana halkaas la geeyay ciidammo badan, sida ay wararka sheegayaan.

Illaa afar Musharax oo uu ku jiro Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Axmed Madoobe oo mar kale ay u badan tahay inuu ku soo baxo xilkaas, maadaama musharaxiinta la tartamaya aysan aheyn kuwo saameyn leh.

Dhanka kale, Musharaxiinta mucaaradka waxay sheegeen in iyaguna Khamiista ay dooran doonaan Madaxweyne.

Doorashada Jubbaland waxaa ka dhashay khilaaf xooggan. Dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay diiday in gebi ahaanba aqoonsato natiijada kasoo baxo doorashada Jubbaland.
Developed by Jago Desain